Guddoomiye Xigeenka Akademiyadda Horumarinta Cilmiga Ee Gobolka AWDAL Oo Ceerigaabo Lagu Soo Dhaweeyay

0
Friday August 29, 2014 - 23:02:34 in by salman abdi
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Xigeenka Akademiyadda Horumarinta Cilmiga Ee Gobolka AWDAL Oo Ceerigaabo Lagu Soo Dhaweeyay

    Qaar ka mid ah dhallinyarada gobollada dalka Saoomaaliland oo waayihii u danbeeyeyba kulamo mudooyin badan qaatay ku lahaa caasimadda dalka ayaa ku soo gabagabeeyey booqashooyin ay ku kala marayeen gobollada Galbeedka iyo Bariga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah dhallinyarada gobollada dalka Saoomaaliland oo waayihii u danbeeyeyba kulamo mudooyin badan qaatay ku lahaa caasimadda dalka ayaa ku soo gabagabeeyey booqashooyin ay ku kala marayeen gobollada Galbeedka iyo Bariga.


 

Socdaalka oo uu ugu danbayn ku yimi gobolka Sanaag Guddoomiye ku xigeenka Akaadamiyadda Horumarinta Cilmiga iyo Caqliga Md. Ayaanle Eng Pilot Cabdiraxmaan Ibraahin socdaalka guddoomiye xigaha oo daarnaa isla markaasina ku jahaysnaa dalbarashada iyo cilmi ka korodhsiga degaanka iyo dabeecadda guud ee dalkiisa hooyo ayuu kaga hadlay kulan kooban oo ka qabsoomay goobtii lagu soo dhawaynayay uuna kaga mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha leh ee loogu sameeyey magaaladaasi. Ayaanle oo madashaas ku koobay ka hadalka nuxurka dal iyo dad barashada wuxuu yidhi ‘Waxaan ku koobayaa socdaalkeena iyo mihiimadiisaba hadal uu

saaxiibkeen xusay oo ku xardhanaa buugga Safar Aan Jaho lahayn oo odhanaya U-safarka dal cusub, la-kulanka dad cusub, barashada dhulkooda, dhaqankooda, hab-nololeedkooda, dareenkooda iyo dadnimadooda, anshaxa iyo adduun-araggooda, waxay kugu dhoweeyaan garashada addduunka aynu ku noolnahay sirtiisa aan salkeeda la gaari karayn. Degaankaagii, dalkaagii iyo qarankaagii aad beri beryaha ka mid ah u haysatay inay adduunka ugu sittaan, ayaad ka kortaa oo aqoon iyo waaya-arag kororsataa.’


 

Caydaruus Maxamuud Cismaan waa madaxa Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Gobolka Sanaag , wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii sida balaadhan ugu soo dhaweeyey gobolka ‘Hadal badan ma yaalo Ayaanle waa saaxiibkay rumaad oo aan in badan ku soo dhawayn doonno gobolkan Sanaag waxaanan rajaynayaa in aanu ka daalin dalxiiska ee uu u sii diyaar garaabo gobolka Sanaag ee baaxadiisu u dhiganto dalka badhkiis.’

Ugu danbayna waxa soo xidhay soo dhawayntaas Isu duwaha Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska Gobolka Sanaag Mudane Maxamed Siciid Saalax oo sheegay inuu si kal iyo lab ah u soo dhawaynayo Ayaanle iyo dhammaan dhallinyarada dalkiisa hooyo eek u soo qulqulaya goblka iyo dalxiiska wadankooda wuxuuna yidhi ‘ Ka wasaarad ahaan , magacayga iyo magaca dhallinyarada gobolkaba waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow gobolka Sanaag meeshii aynu ka soo wada unkanay sharaf iyo gobonimona ku jooga saaxiib waanu idin jecel nahay idinkuna sidoo kale , diyaarna waxaanu u nahay in aanu kula garab joogsano dalxiiskana iyo waaxdiisuna si balaadhan ayay kuula shaqayn doontaa.’




Contact@afkashacabka.com