Ex Wasiir Cadaani Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

0
Saturday July 14, 2018 - 14:00:46 in by salman abdi
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Cadaani Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

    Ex Wasiir Cadaani Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Wasiir Cadaani Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Umadda Jamhuuriyada Somaliland ee Sharafta leh waan salaamayaa , Salaan ka bacdi dhamaantiin Khayr iyo Cafimaad ayaan idiin rajeynayaa iyo in uu helo ama ay hesho Rag iyo Dumar wax alla waxa aad niyaada Ku haysaan .

 

Qodob ay Umadda Jamhuuriyadda Somaliland ay falanqaynayeen , ayaan Rabaa in laba kelmadood ka idhaahdo .

 

1- Qodobka ah Ismaaciil Buuba muxuu ula Kulmay Madaxweynaaha Jamhuuriyadda Somaliland , ama Madaxweynu ha u yeedho ama Ismaacil ha dalbado , waxa ay aniga ila tahay in uu Madaxweynuhu qaaday tallaabo muhim ah , Rag iyo Dumarna ay tahay in lagu hambalyeeyo si weyn , dalkuna uu u Bahnaan yahay arrinkaan . Mida kale Walaalayaal Madaxweynaaha Jamhuuriyadda Somaliland saddex arrimood ayaa ugu muhimsan Xilka loo igmaadey .

 

Waxayna kala yihiin……..

 

A-In uu adkeeyo Nabadgelyaada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Difaaca Qaranimo Gudo iyo Dibadba .

 

B- Qodobka labaadna waa Midaynta Umadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay noqdaan Reer ama Umaada Somaliland dad ah Walaalo oo isku araagti ah , waana ta qiimaaha leh ee qaabilaada Madaxweynuhu qaabilaay Ismaciil Buuba wax ka taraysaa oo ay horseed u tahay in nin kasta iyo gabadh kasta la soo dhoweeyo , xataa hadii ay yihiin sida Ismacil Buuba oo in badan qarankan ka soo horjeedey , ahaana nin Mujaahid ah oo dalkan u soo dagalaamay , Wakhti weyn iyo dadaal badana geliyey Xoreynta Umaada J. Somaliland , ahna mid aad muhim uga ah Madaxweynaaha Xilka hayaa iyo Umadda Qaranka J. Somaliland in la ahaado umaad mideysan .

 

 

Markaas aynu isu Dul Qaadaano oo aynu ka fekerno waxa aynu dooneyno Umaad ahaan oo ah dal aqoonsi leh oo ka mid ah Jumciyaada Qurumaaha ka dhexaysa . Madaxweyne Musaana Hambalyo ayaan leeyahay oo in uu Jabhad u soo dagaalamay dalkan , waynu ogeyna , waxa caawaana cad in uu yahay Siyaasi weyn oo Rug cadaaya .

 

C- in uu horumar iyo nolool wanaagsan gaadhsiiyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , taasuna waxa ay Ku dhacaysaa dhamaan inaaga oo isku Duubaan in aynu ka waada qayb qaadaano oo dadaalka iyo wakhtiga aynu Ku bixinayno Tacliiq maalmo ah , aynu gelino sidii aynu isugu tashaan lahayn oo aynu dal jira oo horumar leh u noqon lahayn” .