Daawo: SAWIRRO Xaflad Meeqaamkeedo Aad uu Sareeyo oo Magaalada London Lagu Soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe.
Daawo: SAWIRRO Xaflad Meeqaamkeedo Aad uu Sareeyo oo Magaalada London Lagu Soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe. Waxa Caawa Magaalada London Ka Dhacday Xaflad Meeqaamkeedo aad uu Saraysay oo ay Soo Abaabuleen Guddida Qurbo Jooga Beelweynta Habar Jeclo ee HORSEED
London 15.07.2018 Waxa Caawa Magaalada London Ka Dhacday Xaflad Meeqaamkeedo aad uu Saraysay oo ay Soo Abaabuleen Guddida Qurbo Jooga Beelweynta Habar Jeclo ee HORSEED, Iyago Halkaas Ku Soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe oo Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Beelaha Habar Jeclo.
Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe aya Waxu Maalmahi uu Dambeeyay Ku Joogay Dalka Boqortooyada Ingriiska Safar Booqasho, Waxaano Maalmahi uu Dambeeyay Safaro is Daba Jooga Ku Marayay Magaalooyinka Sheffield, Cardiff, Liverpool Iyo Birmngham Halkaas Si Diiraan Beelaha Adan Madoobe Iyo Guud Ahaan Beesha Habar Jeclo Ugu Soo Dhoweysay.
Xafladi Caawa Ka Dhacday Magaalada London aya Waxa Ka soo qaybgalay Marti Sharaf aad uu Badan oo Iskugu Jira Salaadiin uu Horeeyo Suldaan Ibraahim Adan DALDAL IYo Odayaal Iyo Waxgarad Iyo Weliba Dhalinyaro, Waxaan Halkaas Ka Hadlay Guddida Qurbo Jooga Beesha Habar Jeclo ee HORSEED, Iyago Hadalo Soo Dhoweyna Ku Soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe.
Guddida HORSEED aya aad Uga Hadashay Xaalada Colaadaha ee Ka Taagan Xuduuda Somaliland Iyo Somalia ee Colaada Tukaraq Waxaanay Ka Hadleen Colaada Dadka Tolka ah ee Isko Dilaya Degaanada Ceelafweyn Sidi Nabad Waarta Looga Hirgelin Laha, Iyago Ku Tageeray Dedaalka Xukummada Somaliland ee Halkaas Maanta Joogta Ka wado.
Waxa Iyana Xafladaas Ka Hadlay Suldaan Ibraahim Adan Dal Dal oo Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Beelweynta Habar jeclo, waxaano Halkaas KU soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe, waxaano Isna Geestiisa Baaq Nabadeed uu Diray Beelaha Walaalaha ee Dirirto Ku Dhex Martay Ceelafweyn Iyo Dararweyne, waxaano Ugu Baaqay Beelaha Guud ee Habar Jeclo Iyo Habar Yoonis Inay Xil Weyn Iska Saaran Sidi Nabad Halkaas Looga Dhalin Laha.
Suldaanka aya Isna Kala Dardaarmay ino Si Xoogan Uga Shaqeeyo Midnimada Beesha Habar Jeclo, Iyo Midnimada Beesha Adan Madoobe.
Ugu Dambeynta Waxa Halkaas Microfoonka Lagu soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad, Waxaano Mahadnaq Balaadhan uu Jeediyay Dhamaan Jaaliyada Reer Somaliland ee Dalka UK Gaar ahaan Beesha Habar Jeclo oo Soo Dhoweyn aan Kala Hadh Lahayn uu Sameysay Dhamaan Degaanada Liverpool, Birmingham, Sheffield, Cardiif Iyo London.
Suldaan Barkhad aya Isla Goobtaas Ka Sheegay ino Isago Mar Kasta uu Taaganyahay Midnimada Beesha Habar Jeclo Iyo Gaar ahaan Midnimada Beesha Adan Madoobe, oo Beryahan uu Dambeeyay aad Mala Maqasheen Ino Tafaraaruq Ku Yimi, Laakin Waxaan aan idiin Sheegaya Inay Beeshaasi Mideysantahay, Kana Mideysantahay Sadexda Suldaan ee Beeshaasi Leedahay ay Ka Mid Yahiin, Suldaan Mustafe Maxamed Adan Iyo Suldaan Cumaani, Mid kastana ay Iskala Shaqeyn Doona Midnimada Iyo Horumarinta Reerka Adan Madoobe Iyo Beelweynta Habar Jeclo Guud Ahaan.
Suldaanka aya Isna Baaq Nabadeed uu Diray Beelaha Walaalaha ee Ceelafweyn Isago sheegay ino aad uga Xunyahay Colaada Foosha Xun ee Halkaas Ka soo Noq Noqotay, Suldaanka aya sheegay ino Ka Mid ah Ergadi Ugu Horeysay ee Halkaas Muddo Dheer uu Joogtay Nabadeynta Beelahaasi, Laakin Nasiib Darro shaydaanka ka dhex faideystay, waxaano Ugu Baaqay inay Dagaalkaas Shuruud La'aan La Joojiyo.
Daawo: SAWIRRO Xaflad Meeqaamkeedo Aad uu Sareeyo oo Magaalada London Lagu Soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe.
Daawo: SAWIRRO Xaflad Meeqaamkeedo Aad uu Sareeyo oo Magaalada London Lagu Soo Dhoweeyay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe.