Fashilada Raysal-Wasara Somaliya ee Gacan siinta Khaatumo Hubka,Daad-Guraynta + Digniinta Beesha Hawiye U Jeedisay

0
Friday August 29, 2014 - 23:14:53 in by salman abdi
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilada Raysal-Wasara Somaliya ee Gacan siinta Khaatumo Hubka,Daad-Guraynta + Digniinta Beesha Hawiye U Jeedisay

    "Kuwo U Hanqal Taagaya Inay Burburiyaan Nabadda Somaliland, Waxaan Leeyahay Haddaad Ku Sii Socotaan Arrintu Saax-dheer Way Ka Ballaadhanaysaa, Hadday Libaax Aayd, Maroodi-bay Tageysaa…" Afhayeenka Madaxda dhaqanka Hawiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kuwo U Hanqal Taagaya Inay Burburiyaan Nabadda Somaliland, Waxaan Leeyahay Haddaad Ku Sii Socotaan Arrintu Saax-dheer Way Ka Ballaadhanaysaa, Hadday Libaax Aayd, Maroodi-bay Tageysaa…" Afhayeenka Madaxda dhaqanka Hawiye


 

"In La Baa’biiyo Somaliland Ma Ogolaanayno, Waanu Garab Taaganahay, Ha Laga Daayo Qaska Iyo Dhibaatada Ay Ka Abuuurayaan Nickalas Kay Iyo….”Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed

(SLT-Saax-dheer) – Dawladda Somaliland, ayaa fashilisay qorshe ay soo dhoodhoobtay dawladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa in degmada Saax-dheer laga hirgeliyo waxa loogu yeedho Khaatumo State, isla-markaana lagu caleemo Saaro Dr. Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan nabad-diidka Khaatumo la baxay u doorteen Madaxwayne.

Dawladda Somaliland, oo kaashaneysa ciidamada qaranka ee jiidaha gobolka Sool, ayaa fashilisay caleemo saarka Galaydh oo ay ka qayb-galayeen Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka yimid Magaalooyinka Muqdisho iyo kismaayo, kuwaasi oo ay doraad diyaaradi keentay Magaalada Buuhoodle.

Dadka halkaasi ay keeneen diyaaraduhu oo dhammaantood safar dhinaca dhulka ah oo ay ka soo bilaabeen Buuhoodle ku gaadhay Saax-dheer, ayaa firxaday shalay subaxdii hore, markii Ciidamada qaranku ay weerar ku ekeeyeen degmada Saax-dheer, waxayna Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin ka yimid Kismaayo iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh-ba ay tallaabeen dhinaca dalka Itoobiya oo tuulada Saax-dheer dacalka ku hayso. Hasa-yeeshee waxa ciidamadu qabteen Maleeshiyaad badan oo ka mid ahaa kuwii dagaalka kala hor-tagay markii hawlgalku bilaabmay, qaar ka mid ah shaqsiyaad la sheegay inay ka mid ahaayeen xildhibaanno dhawaan uu Galaydh sheegay inay yihiin Baarlamaanka Khaatumo. Waxaana wararka qaarkood sheegayaan in dadka la qabtay ay ku jiraan Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ka mid yahay Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, inkasta oo aan ilaa hadda si rasmiya loo xaqiijin Karin.

 


 

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Ismaaciil Shaqale, ayaa sheegay in sababta ay ciidamada qaranku u weerareen degmada Saax-dheer ay ahayd in halkaasi ay gaadheen Hub iyo ciidan ay diyaarado ka soo qaadeen Kismaayo iyo Muqdisho, taasi oo uu ku macneeyay faro-galin qaawan oo dawladda Soomaaliya ku samaysay qarannimada iyo xuduudaha Somaliland.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo soo xiganeysa taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, ayaa sheegtay in ciidamada qaranku qabteen hub iyo saanad ciidan oo dawladda Soomaaliya ku taageeraysay kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, kuwaasi oo labadii maalmood ee u dambeeyay ay diyaarado ka soo daad-gureynayeen Xamar iyo Kismaayo.

Waxayna intaas ku dartay in ciidamadu qabsadeen gaadiid tiro badan oo ay ka yaaceen Maleeshiyaad duleedka Saax-dheer kula dagaalamay ciidamada ka hor intii aanay gudaha u gelin Saax-dheer.

Dhinaca kale, Qorshaha dawladda Soomaaliya ku taageerayso kooxda Khaatumo iyo dedaalka ay ugu jirto in la burburiyo nabadgalyada Somaliland, ayaa waxa si adag uga hor yimid madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, waxayna sheegeen in aanay u dul-qaadanayn in xukuumadda Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay ku duusho Somaliland isla-markaana ay waxyeelayso nabadda iyo horumarka 23 jirsaday ee Somaliland.

Afhayeenka Madax-dhaqameedka beelaha Hawiye, Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Ugaas Maxamed, oo isaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho khadka Telefoonka uu Wargeyska Somalilandtoday ku waydiiyey siday Madaxda dhaqanka beelaha Hawiye u arkaan gargarada iyo faro-gelinta xukuumadda Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku hayo Somaliland, ayaa ku jawaabay "Waxa la yidhi, Dhul nabad ah dhagaxyo laguma tuuro, dhulkaa Somaliland ee nabadda ah ee qof kasta oo Magaca Soomaaliyeed ahi ku nasto, ee kii xanuunsada la geeyo, ee kii doonaa hantidiisa ula cararo, ee kii buuqsani ku soo nafiso, ee nabadgalyada ah waa inaan la carqaladeyn, oo dad nabad-diid ah oo fashiliyayaal ah aan loo dirin, beesha caalamkana waxaanu leenahay ka daaya oo haddii wax la aqoonsanayo Somaliland aqoonsada” ayuu yidhi, Afhayeenka Madaxda dhaqanka Hawiye, waxaanu intaasi ku daray "Kuwo u hanqal taagaya inay burburiyaan (nabadda Somaliland) ILAAHAY idamkii uma suurto-galeyso, ummadaha Islaamka ah ee jecel nabadda iyo jiritaanka Somaliland-na uma dul-qaadanayaan. Kuwaana (Khaatumo) waxaanu leenahay waxaanu ognahay meelaha la idinka soo afuufayo ee farrimuhu idiinka imanayaan, dhagarta aad waddaan-baanu ognahay, ee ILAAHAY iimaanka ha idin geliyo…”

Ugaasku, wuxuu sheegay in arrintu ka ballaadhan doonto Saax-dheer, haddii-buu yidhi dadka debada ka riixaya qaska ka socda Saax-dheer ay ka waantoobi waayaan "Haddaad ku sii socotaan arrintu Saax-dheer way ka ballaadhanaysaa, hadday Libaax ahayd, Maroodi-bay tageysaa. Waxaan leeyahay haddii cid la taageerayo hala taageero Somaliland oo 23 sanadood taagnayd oo ay nabad tahay…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya siyaasiyiin xilal sar sare ka soo qabtay Soomaaliya oo qaarkood la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Saax-dheer "Haddaad Magac iyo karaamo ku soo yeelatay Soomaaliya, waalla laga roon yahay inaan Magacaaga ku jiiddo meel xun, markaa waxaan leeyahay raali gelin ka bixiya oo ka digtoonaada (Faro-gelinta Somaliland), haddiise aad ku sii socotaan oo aad ka dhaga adeygtaan gacanta caddaalada ayaa idin gaadhi doonta…”

Afhayeenku, waxa kale oo uu sheegay "Somaliland waxa lagu hayaa waa qalad, Midowga Afrika ayaanu u sheegaynaa, waxaanu leenahay haddii cid la taageerayo Somaliland halla taageero, waa meesha kaliya ee Magaca Soomaali u hadhay, in la baa’biiyo ma ogolaanayno, waanu garab taaganahay, mana qaadaneyno, ee dhibka ha laga daayo Somaliland…Ha laga daayo Somaliland, qaska iyo dhibaatada ay ka abuurayaan Nickalas Kay iyo kooxdiisu..”




               Contact@afkashacabka.com