Wefti ka socda Jarmalka oo gaadhay Halka Dooxa Waaheen biyaha kaga darro Badda iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha & Gobolka Saaxil oo ka hadlay muhiimadda Biyo xidheen lagu sameeyo Dooxa

0
Saturday August 30, 2014 - 07:43:09 in by salman abdi
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti ka socda Jarmalka oo gaadhay Halka Dooxa Waaheen biyaha kaga darro Badda iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha & Gobolka Saaxil oo ka hadlay muhiimadda Biyo xidheen lagu sameeyo Dooxa

    Wefti ka socda Jarmalka oo gaadhay Halka Dooxa Waaheen biyaha kaga darro Badda iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha & Gobolka Saaxil oo ka hadlay muhiimadda Biyo xidheen lagu sameeyo Dooxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ka socda Jarmalka oo gaadhay Halka Dooxa Waaheen biyaha kaga darro Badda iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha & Gobolka Saaxil oo ka hadlay muhiimadda Biyo xidheen lagu sameeyo Dooxa


Wefti uu hogaaminayey Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Wefti ka socda dalka Jarmalka ayaa kormeer ku soo maray goobta uu dooxa Waaheen Badda kaga daro oo la rajaynayo in Biyo xidheen weyn laga sameeyo.

Sawirka Beeraha 2

Masuuliyiintan kala duwan ee socdaalka ku tagay Tuulada Faruura oo meelo ku dhaw uu dooxa Waaheen kaga darro badda Biyaha ka soo rogmada dhinaca Barriga.

Weftiga uu wasiirka Beeruhu Hogaaminayey ayaa waxa ka mid ahaa masuuliyiin ka socday Wasaaradda Beeraha, Masuuliyiin ka socday Dalka Jarmalka iyo masuuliyiin ka socday Gobolka Saaxil.

Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey muhiimada uu qaranka u leeyahay mashruuca xidhitaanka Dooxa Waaheen, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "arintan aanu maanta u soconaa waxa weeyaan sidii loo xidhi lahaa Faruur oo ah dhaan iska samaysan, socodkana waa socod aad u muhiim oo ay doonayaan inay arkaan halka ay wax ka qaban karaan, waxaananu siinaynaa ka dawlad ahaan muhiimad weyn, dhulkeenuna aad iyo aad ayuu biyo ugu baahan yahay, xoolihiibaa u baahan, dadkiibaa u baahan, beerihiibaa u baahan, iyada oo sidaa loogu baahan yahay in aynu hadana ka haraadanaano waa mushkilad, waana arinta aanu dawladda Jarmalka aanu aad uga codsanayno”.

Warka Beeraha 3

Thomas oo ka socday Baanka horumarinta Jarmalka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay halkan u yimaadeen inay eegaan suurtogalnimada helitaanka biyo iyo cunto sugan, waxaanu isaga oo arintaasi ka hadlaya yidhi "Halkan waxaanu u nimid inaanu indho indhayno suurtogalnimada helitaanka biyo iyo cunto sugan”.

Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo dadweynaha deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey arintani, waxaanay ku tilmaameen arin qaranka oo dhan muhiim u ah, haddii ay hirgasho.



Contact@afkashacabka.com