Daawo:Wasiir Qarka U Saarmay Inuu Xilkiisa Waayo Iyo Jawiga Uu Kala Kulmay Mudanayaasha Wakiilada Ansixintiisii Maanta

0
Saturday August 30, 2014 - 19:30:27 in by Hargeysa Office
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiir Qarka U Saarmay Inuu Xilkiisa Waayo Iyo Jawiga Uu Kala Kulmay Mudanayaasha Wakiilada Ansixintiisii Maanta

    Wasiir Qarka U Saarmay Inuu Xilkiisa Waayo Iyo Jawiga Uu Kala Kulmay Mudanayaasha Wakiilada Ansixintiisii Maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Qarka U Saarmay Inuu Xilkiisa Waayo Iyo Jawiga Uu Kala Kulmay Mudanayaasha Wakiilada Ansixintiisii Maanta
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo uu dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Xilkaas, ayaa maanta dirqi kaga badbaaday inuu waayo Codka kalsoonida ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladda oo cod gacan-taag ah u qaaday.

WASIIR CALI XAAMUD JIBRIIL

Fadhigaas ee maanta ee Wakiillada oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad e Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hor intii aanay Xildhibaannadu guda-gelin codka gacan-taagga ah ee ay u qaadeen Wasiir Cali Xaamud Jibriil, waxa Taariikh-nololeedkiisa ka hor-akhriyey Mudanayaasha Golaha Xoghayaha guud ee Golahaas Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Ka dib waxa ay Mudanayaasha fadhiga ka soo xaadiray oo tiradoodu ahayd 45 Mudane, waxay guda-galeen inay codka kalsoonida ee gacan-taagga ah u qaadaan Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, waxaana ka aammusay 20 Xildhibaan, 5 Mudane ayaa diiday, waxaana oggolaaday ansixintiisa 19 Xildhibaan.

"Shan iyo Afartan Mudane ayaa fadhiya Golaha, 19 waa oggolaatay in loo ansixiyo Cali Xaamud Jibriil, shan Mudane ayaa diidday, 20 Mudane waa ka aammuseen, sidaas ayaanu ku ansaxay, fadhiguna waa xidhan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo codaynta ka dib ku dhawaaqay natiijada cod-bixintaas, isagoo caddeeyey inuu sidaas ku ansaxay Wasiir Cali Xaamud Jibriil.

Sida muddooyinkii dambe looga bartay Mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa ahayd inay intooda badan cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan badi Masuuliyiinta kala duwan ee uu Madaxweynaha Somaliland xilalka u soo magacaabo ee si loo ansixiyo hor-taga Golaha, hase-yeeshee, qaabka Wasiir Cali Xaamud Jibriil ay maanta u ansixiyeen, ayaa sida muuqata taas ka duwanayd, waxaana ka aammusay Xildhibaannadii ugu tirada badnaa ee fadhiga maanta ka qaybgalay, intaasoo haddii ay diidi lahaayeen uu Wasiirku waayi lahaa codka kalsoonida ee uu uga baahnaa Wakiillada.




Contact@afkashacabka.com