"Mucaarid La Taageeraa, Mucaarid La Taageero Ayuu Leeyahay, Nabad-gelyada Somaliland Haddii Ay Wiiqanto, Ta Itoobiyan-na Way Qiiqmi Doontaa" Cali-Gurey

0
Saturday August 30, 2014 - 19:43:02 in by Super Admin
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mucaarid La Taageeraa, Mucaarid La Taageero Ayuu Leeyahay, Nabad-gelyada Somaliland Haddii Ay Wiiqanto, Ta Itoobiyan-na Way Qiiqmi Doontaa" Cali-Gurey

    Mujahid Cali Gurey oo si adag ugahadlay Xaallada Saaxdheer iyo dhawaaqa Itobiya iyo Reer Galbeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujahid Cali Gurey oo si adag ugahadlay Xaallada Saaxdheer iyo dhawaaqa Itobiya iyo Reer Galbeedka

"Ka soo baxa SAAXDHEER, waa maamul goboleed Somalia ahe wax la qaadan karo maaha haddii Madaxwayne Silanyo aqbalo-na waa KHIYAAMO QARAN (High Treason)”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), isaga oo sheegay in rabitaanka shacbiga Somaliland iyo Qaranimadooda aanay haba yaraatee u daba fadhiisan Karin cid kale.

 

Cali-Gurey oo Qoraal dheer ku daabacay degelka uu ku leeyahay bogga xidhiidhka bulshada ee Face-book-ga, isaga oo ka hadlaya xaaladda ka soo cusboonaatay deegaanka Saax-dheer ee ciidammada Somaliland gacanta ku hayaan, isla markaana ay beesha caalamku tidhi ka soo baxa Somaliland ahaan.

Waxaana Cali Gurey intaa kudaray "Waxa aynu ummad ahaan xaq u leenahay Maraykan iyo Ingiriis iyo Qaramada Midoobay iyo cid kale midna in aynu uga tanaasulo maaha. Hadii xukuumaddu aqbasho ka soo bixitaanka Saaxdheer waxay taa micnaheedu tahay in aynaan xaq u lahayn hadii aynaan xaq u lahayna Laascaanoodna markaa xaq uma lihin ee ha laga soo saaro ciidamada miyaa?

Gari Allay taqaan awrna xamuulkii wuu qaadaa xadhig qaloocan se ma qaado. In shisheeye inna amro oo ka aqbalno ka baxa Khaatumo waxa ka fiican in Dhulbahante oo Somaliland ah degaankoodiina tahay aynu ka aqbalno.

Waxa muhiim ah mawqifka Itoobiya, haddii aanu farogelinba ahayn ee maamul goboleedka Khaatumo State ee Somalia in laga dhex dhiso Somaliland. Itoobiya waa in loo cadeeyo in mucaarid la taageeraa uu mucaarid la taageero leeyahay. Hadii nabadgelyada Somaliland wiiqantona ta Itoobiyana way wiiqmi xasiloonida Geeska Africa na way khalhkali doonta, taasina nabadiid mooyee nabadoon dan uma aha.

Khaatumo waa Dhulbahante dal ahaan iyo dad ahaanba waa Somaliland guri kasta oon Somaliland ahayn waxan u arkaa inay marti ku yihiin ee aanay waxba la lahayn. Muqdisho iyo Garoowe labadaba waa ku murti laakiin Hargeysa mati kuma aha waayo waa caasimadda Somaliland. Talada waa la isku qaban karaa, wax waa la isku diidi karaa, waxna waa la isla ogolaan karaa marka dad wax wada leh la yahay. Markaa anigu khaatumo waxan qabaa inay yihiin muwaadiniin in ay wax diidi karaan xaq bay u leeyihiin talada Somalilandna cid ka lihina ma jirto iyaguna keligood ma laha ee waa lala leeyahay. Marka ay tahay khilaafka Khaatumo iyo Somaliland waxan mar walba taageersanahay XAL-NABADEEDKA aniga oo qiraya in tabashooyin kooda ay jiraan wax badan oo laga garaabi karo.

Ugu dambaystii xukuumadan siyaasadeeda ku wajahan gobolada bari waa mid jaan gawracan oo jaan jaan ah waayo waxay ka wareegaysaa guraca oo waxay u shaqaynaysaa sida kale. Dhulbahante intii Somaliland nimada sida runta ah u asminsanayd ee ugu mitidsanayd khadka way ka saartay oo nin walba cidlo ayay kaga tagtay waxa ka sii witir witir leh Cali Sandulle oo laftiisa aan gilayo in aan wax badan la waydiin. Halkoodii waxay soo gelisay kuwo aan maalin eray u odhan Somliland marka laga reebo Wasiirka Caafimaadka oo aan qirayo, horena u qiray dadaalkiisa, waana kelidii. Sidaa darraadeed waxan odhan karaa xukuumaddu ama cidda sidan taladeedu tahay daacad kama aha xal u helidda dhibaatooyinka bariga Somaliland oo khilaafka Khaatumo iyo Somaliland inteeda kale ku jiro. Inta ay sidaa tahay xaalkeenu waa:

COLAAD HURGUMOOTAY

U SII HARGAGAAFKA

HELAYSADA DHIIGU

MARKUU HELELAYDA

SIDII HARAWAATI

HAMUUN TIRO CIIDA

DAGAAL LAGU HOOBTAY

HALYEY KA KU IDLAADAY

KA SOO HIDIWAASKA



Contact@afkashacabka.com