Gudidad Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Go'aankii Uu Madaxwaynuhu Ku Kala Diray

0
Sunday August 31, 2014 - 11:19:50 in by salman abdi
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudidad Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Go'aankii Uu Madaxwaynuhu Ku Kala Diray

    Guddoomiyaha ayaa ku cel-celiyay in ay haboon tahay in ay xukuumada Ay dayso Komiishanka Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ayaa ku cel-celiyay in ay haboon tahay in ay xukuumada Ay dayso Komiishanka Doorashooyinka


Hargaysa(AFK): Guddoomiyah Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Axmed Xirsi Geelle ayaa ka hadlay Warqadii Uu Madaxwayna Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo usoo gudbiyay ee uu ku kala dirayay Kumiishanka Doorashooyinka Oo Wakhtigoodu Dhamaaday.

Guddoomiyaha ayaa ku cel-celiyay in ay haboon tahay in ay xukuumada Ay dayso Komiishanka Doorashooyinka Madaama oo ay Food kusoo hayaan Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo tii madaxwaynahaba,isla markaasna ay Ku gudo jiraan Diwaan galintii Cod bixiyayaasha.


Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Axmed Xirsi Geelle oo ka hadlaya arintaas ayaa waxa uu yidhi”Dhinaca kale waxa uu sheeg Axmed Xirsi Geelle ay in ay sii shaqayn doonaan ilaa inta komiishan cusub lasoo magacaabayo,oo iyaga badala.

"Xilkasta oo qaran waxa uu leeyahay mudo,taas oo uu ka mid yahay kumiishanka doorashooyinkuna,waxaana la doortay shan sano inaanu hayno xilka,waxaana uu ku eegyahay Mudadii Xilkayagu bisha aktoobar ee soo socota 29keeda,sidaad la socotaan Kala dirista kumiishanka doorashooyinku waxa uu kusoo hagaagay xil ay socoto hawl culus oo adagi taas oo uu kumiishanka doorashooyinku gacanta ku hayo,oo ah diwaan galintii cod bixiyayaasha iyo doorashooyinkii oo loo sii diyaar garoobayo ay ka mid yihiin.

Guddoomiyaha kumiishanka doorashooyinka somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi ku daray”

"Marka la arkay wakhtigii oo dhamaaday,Talada guud ee asxaabta mucaaradka iyo xukuumaduba iyo qadhaan bixiyayaashuba is waydiiyeen waxa ay ahayd,in komiishan la magacaabo am igaba lasii daayo,taas oo markii danbe go’aan madaxwaynaha somaliland ka gaadhay,Markaas warqada uu madaxwaynaha somaliland soo saaray ee uu uqoray Dadkii soo magacaabayay Kumiishanka,Kumiishankana waad ogtihiinoo,meelo kala duwan ayaa laga soo magacaabaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in komiishanka doorashooyinku ay soo magacaaban xukuumadu,Labada xisbi mucaarada iyo Golaha Guurtida somaliland waxaana uu yidhi”

"Madaxwaynaha somaliland waxa uu magacaabaa Saddex Xubnood,Guurtidu Laba xubnood ayay magacawdaa,Labada xisbi mucaarad iyaguna midba xubin ayuu soo magacaabaa,sida uu xeerkeenu hada uu yahay,Markaas warqada uu madaxwaynahu uu qoray sidaas ayay tahay,Waana ay banaan tahay inuu kumiishanki hore lasoo celiyo iyo in mud cusub hada la keensado,Lakiin anaga warqada nalagu kala diray Haba yaratee ma jirto.

Si kastaba ha ahaatee kumiishanka doorashooyinka qaranka ayaa uu dhawaan kala diray,.Madaxwaynaha somaliland kaas oo qoraal koobna u gudbiyay asxaabta mucaaradka oo uu kaga dalbanayo in ay soo buuxiyaan shuruudaha kumiishanka doorashooyinka somaliland.

 



Contact@afkashacabka.com