Daawo:Ardaydii Jamacadda Addis University ee ku so qalinjebiyey Addis ababa oo lagu soo Dhoweeyey Burco iyo Nuxurka Kelmadihii laga jediyey madashi lagu so dhoweyey

0
Tuesday September 02, 2014 - 19:34:22 in by salman abdi
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Ardaydii Jamacadda Addis University ee ku so qalinjebiyey Addis ababa oo lagu soo Dhoweeyey Burco iyo Nuxurka Kelmadihii laga jediyey madashi lagu so dhoweyey

    Xildhibaan Cabdi Laki Xasan Nur ayaa xalay ka qaybgalay Munasibad Soo dhoweyn ahayd oo loo sameeyey Ardaydii ugu horeysay ee Ka qalinjebisa Kulliyadaha kala Duwan ee Jamacadda Addis University Qaybteed Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdi Laki Xasan Nur ayaa xalay ka qaybgalay Munasibad Soo dhoweyn ahayd oo loo sameeyey Ardaydii ugu horeysay ee Ka qalinjebisa Kulliyadaha kala Duwan ee Jamacadda Addis University Qaybteed Burco,

 oo uu ku jiray Ardaygii ugu sarreeyey Jaamacadaasi Qaybaheed kala Duwan oo dhan, isla markaasna Noqday Ardaygii kaalinta koowaad u galay Jaamacadda oo Qaybo Badan ku leh Waddamada Somaliland, Ethiopia iyo Qaar kale, Ardaygaas oo Munasibadda soo dhoweynta ah si aad ah looga hambalyeeyey lana sheegay inu Somaliland Guul weyn u keenay Maadama uu noqday Ardaygii Koobkii iyo Billadii Guusha Jaamacadaha Addis Universty u soo qaaday kana soo jeedo Somaliland,

Ardaygan oo la yidhaa Mustafe Cali Xusen ayaa si weyn loogu bogaadiyey Dedaalka uu sameeyey iyo Guusha uu Qarankiisa u soo hooyay, waxayna ahayd xafladdii koobka lagu guddoonsiiyey oo ka Dhacday Addis ababa Xarunta Dalkaasi Itobiya mid ay Martidii Adduunka isaga kala timi isha si gaar ah ugu hayeen ardaygaasi reer Somaliland ee guusha taariikhiga ah ka keenay jaamacad ajnabi ah.

Xildhiban Cabdi laki, Guddomiyaha jamacadda Addis Qaybteeda Burco, Xubno ka mid ah Ardaydii ku soo qalinjebisay Addis ababa ee socdaalka ku wehelinaysay Ardaygan iyo Aqoonyahan kale oo xafladaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu riyaaqay guusha ardaygani keenay, Waxana ay tilmaameen in Ardayga iyo shakhsiyaadka guulaha noocan ah keena in maamuus gaar ah loo sameeyo ay mudan tahay.


Gebogabadiina Waxa halkaasi ka hadlay oo Dadka kala duwan ee ku bogaadiyey Guushisa u mahadnaqay Mustafe Cali Xuseen oo ahaa Ardaygii ugu sareeyey jaamacadaha Addis Universty, wuxuna tilmaamay in guusha aanu keligii gaadhin ee ay tahay mid Ay wada gaadheen Ardayda jaamacadda Addis, Gobolka Togdheer iyo Guud ahaanba Qaranka Somaliland, wuxna tilmaamay In laga yaabo inu isago noqonayo qofkii dhaliyey Goolkiii Guusha balse aanu isagu ahayn kii guuleystay ee Dalka oo dhami guushaas la qaybsanayo.



Contact@afkashacabka.com