Nabadda iyo Horumarku Deyn Naguma aha, Dalkayaguna Ma Rahmana!!(Qayb. 1-aad) W/Q: Eng.Hussein Deyr

0
Wednesday September 03, 2014 - 09:07:19 in by Hargeysa Office
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadda iyo Horumarku Deyn Naguma aha, Dalkayaguna Ma Rahmana!!(Qayb. 1-aad) W/Q: Eng.Hussein Deyr

    Beesha Caalamka iyo UN-ta halka loo diray inay wax ka qabtaan oo ay 'NABAD' ka dhaliyaan waa SOOMAALIYAee maaha JAM SOMALILAND.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka iyo UN-ta halka loo diray inay wax ka qabtaan oo ay 'NABAD' ka dhaliyaan waa SOOMAALIYAee maaha JAM SOMALILAND.

Qaranka Guul-darraystay eeSOOMAALIYA, muddo ka badan 23 sano ayuuBeesha Caalamka iyo UN-tabau ahaanaas-irmaan oo aan gudhin oo ku darara macaluusha, dhiigga iyo dhagarta ragaadisay shacbiga masaankiinta ahee kuwii ka nixi lahaa markay iyagii hilbahooda ka dhergeen, markiidambenau soo kaxaystay cadow aan ka naxayn oo wata magacyo iyo midabbo kala duwan. Beesha Caalamka iyo UN-tu maalintii ay Soomaaliya fara-galiyeen ayey Soomaaliya 800% (boqolkiiba siddeed boqol) ka nabad iyo deggenaanshaba babnayd halka ay maanta taagan tahay.


Waxaynu ku jirnaa Xilli ay si cad u muuqatoLaba-Wajiilaynta Bulshada Caalamku. Waxaynu ku jirnaa Xilli la abaal-marinayoQaran Guul-darraystayoo qaaday koobka Qarammada Guul-darraystay, dalkaasoo muddo ka badan 23 sano tahli waayey inuu gutoxilkii ka saarnaa ummaddiisa.Waxay dunidu kool-koolinaysaa Qaran ku fashilmay inuu ka soo baxo waajibaadkii iyo masuuliyaddii kaga beegnayd bulshada caalamka dhinac kasta oo ay tahayba!Waqtigan Xaadirka damiirka Bulshada Caalamku wuxuu gaadhay in la isku abaal-mariyoDawlad Xumada, Xasuuqa iyo Xad-gudubka Bini-aadamnimo, Colaadaha iyo Musu-maasuq xad-dhaaf ah.

Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku xaq-darro cad iyo gefba ka galayaanQaran Guulaystayoo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedoNabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag,taasoo ayJSLku sifowday muddo ka badan 23 sano!! Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku isdiidsiinayaan oo ay indhaha ka lalinayaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Geeska Afrika iyo rabitaanka ummaddaJSLiyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.

Markaynu u fiirsano ARRINTA SAAX-DHEER iyo TALEEX iyo hab-dhaqanka Beesha Caalamka,JAM. SOMALILANDxaq bay u leedahay inay Nabadgelyadeeda iyo Xuduudeheedaba sugto, mana aha arrin ay u daba fadhiisanayso Beesha Caalamka iyo UN-ta midkoodna. Dhinaca kale,JSLwaxay muddo ka badan 23 sano waddamada deriska ah iyo beesha kale ee caalamkaba kula noolayd nabadgelyo, degenaansho iyo xasilooni.JSLweligeed cid kumay duulin, hal tallaabana kumay durkin xuduudo uu Dal dariskeeda ahi leeyahay. Dhawaaqa ka soo yeedhaya Beesha Caalamka iyo UN-tu waa mid xad-gudub iyo deel-qaafba ku aha Madaxbannaanida iyo Gooni-isu-taaggaJAM. SOMALILAND, balse maaha mid Shacabka iyo Dawladda Somaliland ka leexin kara xaqa Gooni-isutaag ee ay leeyihiin iyo masuuliyadda ka saaran suggidda ammaanka dalkooda.

Gumaysiga Cusub ee Dhaqan-Dhaqaale

Quwadaha Dunida ugu awoodda badan lihi waxay samaysteen Xeerar iyo ballamo iyaga u dhexeeya oo qarsoodi ah, kuwaasoo salka ku haya waxa waqtiga xaadirka loo yaqaanno ‘Habka Gumaysiga Cusub ee Dhaqan-Dhaqaale’. Waa qorshe qoto dheer oo ku wajahan sidii dib loogu gumaysan lahaa waddamada soo koraya ee loo yaqaanno Dunida 3-aad. Waa qorshe iyo isteraatijiyad aad u xeel dheer oo dano dhaqaale iyo kuwo nabadgelyoba ay saldhig u yihiin. Iyadoon wax dagaal ah oo hub iyo cudud milatari wadata aan lagu qaadin, isla markaana aan xuduudaha caalamiga ee ay waddamadaasi leeyihiinna lagu xad-gudbin, waa in waddamadaa laga dhigaamidiidin iyo ma-maarmayaal mar walba gacanta lagu hayooo ay madax-bannaanidooduna noqoto magac-u-yaal uun.Dalalka Dunida Saddexaadwaxa loogu tala galay in la dhaxalsiiyo oo ay ragaadiyaanSADDEXDAN ARRIMOOD:

1)Caqli Gudhan:InCaqligoodunoqdo midGudhanoo aan si fiican u fikirin.

2)Dhaqan Goblan ah: InDhaqankoodunoqdo midGoblanah oo aan wax horumar ah samaynin.

3)Ilbaxnimo Wahsatay:In Ilbaxnimadoodunoqoto midWahsatayoo aan daah-furi karin ama aan soo kordhin karin wax ku cusub xaddaarada Dunida iyo Horumarka Nolosha Bulshada.

UmmaddaJam. Somaliland iygoo eex iyo xaqdarro weynba ka tirsanaya Beesha Caalamka, oo ayna cidina ka caawin dib-u-dhiska dalkoodii iyo dhaqaalahoodii la bur-buriyey; waxay go’aansadeen inayna gacmaha hoorsan oo ayna cidna isku hallayn. Waxay u dhaqaaqeen dib-u-dhiska dalka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirri-gelinta suuqa xorta ah, iwm. Muddo ka badan 23 sano ah ayay Ummadda Jam. Somalilandwaxay ku sifoobeen inay yihiin mucjisada Geeska Afrika.

Hab-dhaqanka Qallafsan iyo Laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaanJam. Somaliland, wax kale maahee waa cadaadis iyo aargoosi ay Beesha Caalamku kaga aargoosanayaan UmmaddaJam. Somalilandmaadaama ay diideen inay midiidin u noqdaan danaha iyo dibin-daabyada qorshaysan ee beesha caalamka. Waxay diideen inay gacmaha hoorsadaan oo ay noloshooda iyo mustaqbalka dadkooda iyo dalkoodaba ku xidhaan cid kale. Hab-dhaqanka Qallafsan iyo Laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaanJam. Somaliland, wax kale maahee waxa la inna leeyahay waxaad ku xad-gudubteen xeerar iyo xeelado Beesha Caalamka u qarsoon oo ay dhigteen.

Marka hadalka halkiisa loogu tago, Quwadaha talada Beesha Caalamka loo daba fadhiisto iyo UN-tu waxay si cad UmmaddaJSLugu leeyihiin:

  • "Yaa idin yidhi kelidiin nabad, xasilooni iyo degenaansho samaysta? Waxay ahayd in annaga (Beesha Caalamka & UN-ta) na loo daba fadhiisto maamulka nabadda iyo sugidda ammaanka dalkiinna heer kasta oo ay tahayba. Nabadgelyadiinna iyo Xasiloonida aad sheeganaysaanna waxay ahayd in aan annagu dhalinno oo dalkiinnu u rahmanaado!!”

  • "Yaa idin yidhi kelidiin samaysta Dawladnimo iyo Dimuqraadiyad Shaqaynaysa? Miyaydaan ogayn in Shahaadadda Dawlad-wanaagga iyo ta Dimuqraadiyaddaba aanu annagu bixinno oo naloo daba-fadhiisto? Dawladnimadaada iyo Dimuqraadiyadda aad sheeganayso, haddii aanu nahay Beesha Caalamka & UN-ta, waa in ay danahayaga dhaqan, kuwa dhaqaale, kuwa nabadgelyo iyo kuwa bulshoba si cad uga dhex-muuqdaan!!”

  • "Yaa idin yidhi dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba idinku isku tashada oo annaga naga maarma? Miyeydaan ogayn inaanu annagu (Beesha Caalamka & UN-ta) qorshayno oo go’aaminno xaddiga horumarka dhaqaale iyo ka bulsho ee caalamka ka socda? Horumar aydaan u deymoobin oo aan khayraadka dalkiinu u rahmanayn, laguma tilmaami karo horumar eewaa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay ee odayaal la socda!!”

La soco Qaybta 2-aad ee Maqaalkan, INSHA ALLAH.

Jam.SomalilandHA NOOLAATO;Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|