Maraykan:-Trump oo ka Xumaaday Dambiga lagu Helay Manafort

0
Wednesday August 22, 2018 - 09:35:26 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykan:-Trump oo ka Xumaaday Dambiga lagu Helay Manafort

    Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka niyad xun dambi lagu helay madaxii hore ee ololihiisii doorashada, Paul Manafort, kaas oo la kulmi kara xarig tobanaan sano gaaraya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka niyad xun dambi lagu helay madaxii hore ee ololihiisii doorashada, Paul Manafort, kaas oo la kulmi kara xarig tobanaan sano gaaraya.


"Waa wax laga murugoodo waxa dhacay” ayaa Trump uu warbaahinta u sheegay mar uu joogay gagi dayuuradeed oo ku taalla magaalada Charleston ee gobolka West Virginia. Trump ayaa intaas ku daray inuu ka xumaaday arrinta Manafort oo xeerbeegti ay ku heshay siddeed dambe oo la xiriira wax isdaba marin.


Xeerbeegti ku sugan magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ayaa afar maalmood u fadhiyey eegista eedaha, iyaga oo go’aan mideysan aan ka qaaday 10 eedaymood oo kale, iyada oo garsoorihii maxkamadduna uu sheegay in la sii wadaynin maaddaama go’aan mideysan ayna xeerbeegtu ka gaarin.