Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Abiy Axmed Iyo Soomaalida Itoobiya"arimo qarsonaa oo lashaaciyay"

0
Saturday August 25, 2018 - 11:17:24 in by salman abdi
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Abiy Axmed Iyo Soomaalida Itoobiya"arimo qarsonaa oo lashaaciyay"

    Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Abiy Axmed Iyo Soomaalida Itoobiya"arimo qarsonaa oo lashaaciyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Abiy Axmed Iyo Soomaalida Itoobiya"arimo qarsonaa oo lashaaciyay"
Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Abiy Axmed Iyo Soomaalida Itoobiya"arimo qarsonaa oo lashaaciyay"

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa waxa uu kula kulmay hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxgarad iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Cusub ee Maalin kahor la doortay dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya Mustaf Muxumed Cumar,waxayna uga hadleen sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Mas’uuliyiintii Soomaalida ahaa ee isugu jira Siyaasiyiin,waxgaard iyo Shacab waxaa uu ka codsaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo.

Sidoo kale Mas’uuliyiintii iyo Odayaashii kulankaas ka qeyb galay ayaa dhankooda waxa ay ka dalbadeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in mar walba ay helaan cadaalad,isla markaana cadaalada lahor-keeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa sidoo kale maalmaha soo socda sii jiri doono kulamo kale oo Ra’iisul Wasaare Sbiy Axmed la yeelan doono siyaasiyin Soomaali ah.