Dad Danyar Ah Oo Dagan Deegaanka Uubaale Ee Koonfurta Magaalada Hargeysa Ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Taar-ka Lagu Wareejiyey Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa.

0
Wednesday September 03, 2014 - 19:40:43 in by Super Admin
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Danyar Ah Oo Dagan Deegaanka Uubaale Ee Koonfurta Magaalada Hargeysa Ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Taar-ka Lagu Wareejiyey Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa.

    Qaar ka mid ah dadkii ee dhawaan ay Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ka rartay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ayaa cabasho xoogan ka muujiyey taar dheer oo Masaafo ka badan 15-Km isu jira,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah dadkii ee dhawaan ay Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ka rartay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ayaa cabasho xoogan ka muujiyey taar dheer oo Masaafo ka badan 15-Km isu jira,

 

Qaar ka mid ah dadkii ee dhawaan ay Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ka rartay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ayaa cabasho xoogan ka muujiyey taar dheer oo Masaafo ka badan 15-Km isu jira,kaasi oo ka xanibay meelihii ay u soo mari lahaayeen magaalada Hargeysa si ay ugu soo doontaan baahiyaha aas aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin,maadaama aanay meesha ay dagan yihiin lahayn goobihii adeegyada bulshada.

Dadkan oo qaar kamid ah warbaahintu ay ku booqatay meelaha ay ku go’doonsanyihiin ayaa sheegay in ay dhibaato xooga kala kulmeen Taarka dheer ee Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland ku soo wareejisay in ka badan masaafo 15-KM ah,waxaana ay sheegeen in aanay hasyan meel ay u soo maraan Magaalada Hargeysa.

"Waxaanu marnaa meel ay dhib naga haysato oo qod qotina,oo naga fog halkaas oo aanu ku dhibaato mudanahay oo aanu aad iyo aad ugu dhibaato mudanahay ayaanu marnaa,markaa waxaanu doonaynaa in na loo baneeyo dhul oo caruurta na loogu baneeyo oo  anaga na loo baneeyo,ka buka loo baneeyo oo ta foolanaysa loo baneeyo ilayn halkayagu malaha adeegyadii dadweynaha oo malaha Iskuulo,oo malaha Macaamado oo meeshu waa jaakada weeyaan,markaa dee hadii magaaladii nala ga xidho dee dhibteeda ayaa ay leedahay markaa ha naloo baneeyo dhulka ha na loo baneeyo meel aanu marno”Ayey tidhi Hooyo Da’weyn oo magaceed Waris ku sheegtay.

Waxaa sida oo kale iyaduna halkaasi ka hadashay Hooyo Aamina oo iyaduna dhankeeda sheegtay in ay yihiin dad aad u jilicsan ku waasi oo aan awoodi karayn in ay marwalba masaafo -15-KM ah ay soo wareegaan si ay u yimaadaan Magaalada Hargeysa,waxaana ay carabka ku dhufatay in aan Taarka Madaarku markii hore aanu masaafo intan leeg ahayn,balse sidii marba marka ka danbaysa loo soo fogaynaayey lanaga xidhaybaa ay tidhi wadadii aanu u soo mari lahayn Magaalada Hargeysa.

"Markii hore horta anagu raali ka maanan ahayn,waayo dad deegaana ayaanu ahayn dad jilicsan baanu nahay oo cirku halkaa uu kaga toosan yahay ka yaqaan,Dhulkuna halkaa aanu joogno ka yaqaana oo aan meel kale u guurin oo deegaana oo aanu madaarka waligano aanu halkaas uun Jaar ka ahayn oo wax dhibaato ahna aanan u diran ayaanu ahayn,hadii aanan dhibaato u diran oo saaka deegaankii aanu ahan oo uu madaar kayagii yahay waxaanu doonaynay in taarkaa halkii hore ee xadku ahaa in la mariyo waayo kaa raali ayaanu ka ahayn in la mariyo  laakiin durkiskaa nalagu soo durkiyey raali kama nihin,meel alleh meel aanu marnaana ma jirto waanu cadibanahay aad iyo aad ayaanan u cadibanahay dawladyadii iyo Calankayagiina aad baanu u dhaliilaynaa”

Oday Faarax Mooge oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi”Taarka Garoonka waxaa lagu wareejiyey Xaafadaha Uubaale,dhulkii aanu maraynay waa laga jaray markii aanu maraynay, markii lagu xidhaayeyna waxaa nala dul keenay Guuto Ciidan ah oo deedna sidaas ayaa lagu xidhay”Faarax Mooge

Ugu danbayntiina Waxaa halkaasi ka hadalay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo kamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland sida oo kalena ah odayaashii dadka deegaankaasi Uubaale ku xaniban ayaa baaq u diray guud ahaanba cidwalba oo ay khusayso arrintani ay wax ka qabtaan,si baa uu yidhi ay dadku u helaan meelo ay u soo maraan Magaalada Hargeysa oo ay baahiyahooda ugu badani ku xidhan yihiin,maadaama aanay lahayn goobo adeeg bulsheed oo halkaasi ka jirta.

"Masaafadu waa illaa 15-KM,marka la eego dhararkiisa guud,arrinta isweydiinta iyo qaylo dhaanta keentayna waa taarka meesha lagu wareejiyey,waxaanan ugu baaqayaa horta cid kasta oo damiir leh iyo cid kasta oo waxuun ka damqanaysa in ay yimaadaan oo ay indhahooda ku wada arkaan ayuunbaan horta ugu baaqayaa baaq dheer,Cadaawada intaa leegna deegaanku waxa uu ku kasbanayo waa waxa aan iswaydiinaayo,waxaanan leeyahay ha loo soo gurmado Umaddaas dariiqii laga xidhay,adeeg kale aan loo samaynin ,Biyaha loo diiday,adeegii bulshada oo dhana loo diiday,imikana wadadii laga xidhay,waxaan leeyahay ha loo soo gurmado”


CabasoMadaarka

Contact@afkashacabka.com