Xildhibaannada Golaha Deegaanka Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku fasaxay Shirarka xilka lagaga qadayo maayarada Dalka

0
Thursday September 04, 2014 - 09:57:33 in by Hargeysa Office
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Golaha Deegaanka Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku fasaxay Shirarka xilka lagaga qadayo maayarada Dalka

    Go'aankan ayaa waxa la filayaa in uu dib usoo nooleeyo mooshinnadii hakadku ku yimi ee Xildhibaanadda isbedeldoonka ahi wadeen .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aankan ayaa waxa la filayaa in uu dib usoo nooleeyo mooshinnadii hakadku ku yimi ee Xildhibaanadda isbedeldoonka ahi wadeen .

Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aankii Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Warancade Dabarka kaga jaray mooshinada golayaasha deegaanku ku ridi-karaan Maayiradda iyo Ku xigeenadooda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Degmadda Burco oo aragtidooda ku wajahan Go’aankan Wasiirka ,ka hadlay ayaa ku tilmaamay in uu yahay mid Bad-baado qaran ah isla markaana awood u siinaaya Mudanayaasha deegaanka in ay is bedel ku sameeyaan Maayiradda iyo Ku Xigeenada gaar’ahaan kuwa bahaloobay ee Musuqmaasuqu iyo Maamul xumadu ragaadisay .

"Aad iyo Aad ayaanu usoo dhawaynaynaa Go’aankan Wasiirka arimaha guduhu kaga hor baydhay mooshinada xilka lagaga qaadi-karo Maayiradda iyo ku xigeenadooda oo hore Wasaaradiisu isu hortaagtay ,waayo ? awal hore markii la soo magacaabi jiray Maayiradda ayuu sharcigani caadi ahaa ,laakiin hada doorashooyin ayaa dhacay ,Xildhibaano ayaa la doortay ,xaq ayay u leeyihiin hugaankooda marka ay shaqadooda gudan waayaan in ay bedelaan ,sidaa awgeed marka la leeyahay Maayirka iyo ku xigeenadooda ayaa joogaya ,waxay la mid tahay xildhibaano kale ma jiraan , iyagaa meesha iska leh ” Sidaasi waxa yidhi Xildhibaan Cabdilaki oo ka mid ah Xildhibaanadda ugu miisaanka culus Golaha Deegaanka Burco.

Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo isna ka mid ah Mudanayaasha Deegaanka Burco ee Go’aankan soo dhaweeyay ayaa yidhi ” Si weyn ayaan usoo dhawaynayaa Go’aankan oo hore Wasaaradda arimaha guduhu ugu degdegtay ,waxaaney taasi noo suurto-galinaysaa in aanu la xisaabtano Gudiga fulinta Burco ,waxaanan odhan-karaa Go’aankani ,waa mid golayaasha deegaanka lagu bad-baadinaayo oo xildhibaanada u fududaynaaya in ay bedelaan Hugaankooda bulshadda u shaqayn-waaya ". ayu yidhi Xildhiban Kayse


Sidoo kale Go’aankan ayaa waxa soo dhaweeyay Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco kuwaasi oo  si weyn u doonaaya in isbedel lagu sameeyo Hogaanka Golaha Deganka Burco.


Mida kale Go’aankan ayaa waxa la filayaa in uu dib usoo nooleeyo mooshinnadii hakadku ku yimi ee Xildhibaanadda isbedeldoonka ahi wadeen .


Contact@afkashacabka.com