Wasiirka Kaluumaysiga Ee Somaliland Oo Iska Difaacay Musuq-Maasuq Lagu Edeeyay Kana Hadalay Guushii Ciidamadda Qaranku Ka Soo Hoyeen Saax-dheer.

0
Thursday September 04, 2014 - 16:07:51 in by salman abdi
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Kaluumaysiga Ee Somaliland Oo Iska Difaacay Musuq-Maasuq Lagu Edeeyay Kana Hadalay Guushii Ciidamadda Qaranku Ka Soo Hoyeen Saax-dheer.

    Wasiirkawasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha somaliland Cali Faarax Buureed ayaa jawaab Kulul ka bixiyay Hadalo kasoo yeedhay,Masuuliyiin ka tirsan Iskashatooyina Laas-qoray Kuwaas oo sheegay in ay wasaaradau Musuq-maasuqday qalab kaluumays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkawasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha somaliland Cali Faarax Buureed ayaa jawaab Kulul ka bixiyay Hadalo kasoo yeedhay,Masuuliyiin ka tirsan Iskashatooyina Laas-qoray Kuwaas oo sheegay in ay wasaaradau Musuq-maasuqday qalab kaluumaysi oo loogu talo galay degmadaasi laas-qoray.

Waxa uu sheegay in goboladii iyo Degmooyinkii loogu talo galay la geeyey qalabkaasi,waxaana uu Masuuliyiintaas ku tilmaamay qaar waji ku macaash ah.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay talaabadii ay ciidanka qaranka Somaliland ku baac-sadeen Cali Khaliif galaydh iyo maamulkiisii iyo shirar bilihii u danbeeyey laga dareemayay Degaanka Xin galool, Waxaana uu ku tilmaamay shirkaas mid dhicisoobay.

Wasiirkawasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Cali Faarax Buureed oo

ka hadlaya qalabka kaluumaysiga ee lagu edeeyey Wasaaradooda ayaa waxa uu yidhi”

"Qalabkan la leeyahay wasaarada Kaluumaysiga ayaa musuq-maasuqday,habayaraatee waxba kama jiraan,Niman ayaa magaca laas-qoray iska sheegtay oo yidhi iskaashato ayaanu nahay,waxa iskaashato ahna anagu manaan arag,Raga waxaas oo been ahna sameeyey waxa weeyaan Ragii abaabulayay Shir ay doonayeen in ay nabada gobolada bari ku mija xaabiyaan,Kolay waxan yar ee aanu qaybinay waxa wadanka wada gaadhaya maaha ee hadii aanu degaan walba badh siinay,Maaha in layidhaa wasaarada Kalluumaysigu way musuq-maasuqday.

wasiirku kaluumaysiga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Agaasimaha maamulka ee halkan jooga ayaa qaybiyay dagma walba iyo gobol kasta intii loo dirayay Gaadhsiiyay,Degaanka Ceelaayo iyo Laas-qoray ayaa lasiiyay Qalabkan kaluumaysiga labadaas Meloodna Waa lasiiyay,Taasna waxa ay kusoo beegmatay isuduwihii gobolka oo la badlay,waxaana Qalabkaas loogu dhiibay Odoyaal ka mid ah iskaashatada labadaas gobol,Qalab dhexdayada ka baxayna majiraan.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay inuu talaabo adag ka qaadi doono Masuuliyiintaas Sheegay in ay wasaaradu Musuq-Maasuqday Qalabkii kaluumaysatada waxaana uu yidhi”

"Xubnahaas waxa yar ayaa laga yaqaan,kuwaasina waxa ay jogaan meelaas ceerigaabo iyo gobolada kale,Markaas kolay Talaabada Aanu ka qaadayno halkan ka sheegi mayno,lakiin anag ayaa idin la soo socod Siin doona,Waxaanann odhan lahayuun Beenta iyo boro bogaadada joojiya.

Sidoo kale waxa uu faah-faahin ka bixiyay Kormeer uu kusoo maray Gobolada bariga somaliland, Waxaana uu sheegay inuu Dadka dagan Degmooyinkaas ay lasoo darseen Duruufo badan oo uu indhihiisa kusoo arkay waxaana uu yidhi”

‘Kormeerka aanu ku tagnay Gobolada bari,waxa uu ahaa safar aanu ugu kuur galaynay Xaalada ay ku sugan tahay Kaluumaysatada somalilnad,waxaanad ogaydeen inuu isa madaxwaynaha somaliland Safar kusoo maray ilaa laas-qoray,waxaana uu madaxwayne siilaanyo indhihiisa kusoo arkay Xaaladu halka ay Marayso iyo Duruufaha ka taagan Gobolada bariga somaliland,Imikana waxa la galayaa xiligii bad furanka oo Kaluumaysatadu badaha kusoo noqonaysay,waxaana loo baahan yahay In la caawiyo Tababar faro badan Wasaaradu diyaar ayay ula tahay waanay sii doontaa.

Gaba-gabadii waxa uu wasiirka ka hadlay Shirar Bilihii u danbeeyey laga dareemayay Degaanka xin galool,waxaana uu sheegay inuu Shirkaas noqday mid Dhicisoobay,Waxaa uu bulshadaas dagan Deegaanadaas ku sheegay in ay yihiin Bulsho jecel nabada isla markaas diyaar u ah in ay Bulshada kale ee somaliland Dhinacood ka raacaan.

Waxaana uu Hambalyo u diray Talaabadii ay ciidanka qaranka somaliland Ku baac-sadeen Nabad Diidkii Cali Khaliif Galaydh iyo maamulkiisii khaatumo,waxaana uu cadeeyey in ciidanka qaranka markasta diyaar u yihiin in ay ka hortagaan Fidmo wadayaasha.






Contact@afkashacabka.com