DALKA MA DHISANAA WQ: AHMED RASHEED

0
Thursday September 04, 2014 - 17:31:37 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DALKA MA DHISANAA WQ: AHMED RASHEED

    Ummadda reer S/land ee Qaadku ku noqday dhagarta dilaaga ah ee dhaqaale burburka ah loona badheedhayo waxaan odhan lahaa "Calool baahanay cawradaada deddo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummadda reer S/land ee Qaadku ku noqday dhagarta dilaaga ah ee dhaqaale burburka ah loona badheedhayo waxaan odhan lahaa "Calool baahanay cawradaada deddo"

Waxa qof wal oo caqli leh aan marnaba ka maqnayn maskaxdiisa iyo maankiisa in uu "Qaadku yahay dilaa dhaqaale burburiye” sida qoraxdaasi inoogu muuqato ee aan sacab loo saari karin ayay qof walba Daahir yaa shamis ugu tahay balse waa layska indho qarsanayaa oo balwadu hadii ay kaa xoog badiso iyadaa meeshii ay doontoba kuu jiidaysa qofkuna sidaas ayuu nolosha kaga saaqidaa ama noloshuu ka dhacay ayaa la yidhaahdaa amaba beertuu ku jiraa waa Erayada Qurbaha marka qofku balwada ku talax tago, waxaad qurbaha ku arkaysaa dad nolosha ka dhacay oo "Homeless” la yidhaahdo ama hoy laawe ku noqday darxumada ay badday balwaddu waxaa maanta marag madoon ah in dadkeena soomaaliland marka guud ahaan la eego ay wada yihiin dad balwadeed oo meel ay iska soo qabtaan la’.

Waxaa xanuunka u weyni ka taagan yahay waxaa balwadda "Qaadka ku jiri jiray ragga ookeliya hada waxaa uu soo galay qoyskii oo dhan oo dumarkii ayaa labada can ku cunaya waana reer ba’aw yaa ku leh waana sida uu hada ku socdaana waa "Alamtarana soo dhaaf” daraagiskan ina baday hoy la’aanta, gaajada, caydha, dumarkeenii caruurteenii, oo suuqyada adduunka badhna gaaloobay badhna ragga ajaanibi kaxaysteen yaa masuuliyadeeda leh, waxaa iska leh aabaha Qaadka ku caydhoobay ku naf iyo nolol waayey reerkiisii meeluu kaga warramo garan waayey, gidaarada hadba halka habeenku ugu dumo seexda macawistu garabka u sudhan tahay, miyeynaan mar qudha xisaabtamayn oo illaahay magan gelyo ka waydiisan karin dhibaatada uu inagu hayo iyo darxumada uu ina baday Qaadku.

Waxaa idinkula dardaarmayaa walaalahay somaliland Hadii Qaadka joojisaan in waddankiinu ugu hormarayo addunka dhaqaale ahaan caafimaad ahaan dadnimo ahaan duunyo ahaan abaaraha oo illahay inaga jebin doono markaan masaajidada camirno oo cibaadaysano, illaahayna (sw) talo saarano xidhnaanta illahay waa lagu badbaadaa qofkii illahay aaminsani waxaan hubaa in aanu qoyskiisu mashkilada marnaba la kulmayn ee uu ahaanayo midka ugu nolol fiican aan illaahay tallo saarano oo baryada iska dayno waayo baryada shaxaadka loo yaqaano waxaa kelifaya waa Qaadka hadii aad shaqaysato illahayna wuu ku gacan qabanayaa waxaana la yidhi "Calool baahanay cawradaada deddo” haday gaajo waddanka jirto xisaabtan sidee maalin walba aad qaad ugu cuntaa 30 dollar iyo ka badan qof waloba naftaada xisaabi.

Waxaan odhan lahaa dadka qurbaha in aanay caawin qof Qaad cuna lacagna u dirin qof walobana soo baadh qofka aad lacagta u dirayso oo qof kale ka soo ogow in uu cuno iyo in kale waayo inaga xataa nafteenii iyo maalkeenii waddamo kalaan gelinaynaa oo aan waxba inooga baahnayn waa in aan joojina Qaadka Ethiopia inooga imaanayaa hadii xataa cirku dhulka imaanayo waayo nafi inaguma jirto waxaan ku soo gunaanadayaa inta aan la joojin waa in lagu qasbaa in Qaadka waddanka imaanayaa aanu 2 Dollar ka badnaan hadii kale aan loogu tegin halkiisa waayo naftaad runta u sheegaysaa in aad ka maaranto hadii la siin waayo lacagtaa ma cunaayo waadna arki tabar daraanta Qaad walaha ama wuu joojin ama ! Dollar ayaa uu ku keeni.

Ethiopia maalin-kasta lacag ayaa inaga gasha badan oo hadii aynu lacagtaas wadanka dib ugu celin lahayn aynu horumar ku gaadhi lahayn iyo wadanka oo aynu dhisno, lacagta Ethiopia inaga gasha waxay tahay maalintii $33 million oo dollar bal xisaabiya bil ahaan iyo sanad ayaan waa lacag aad u badan waa lacag meel wayday waa lacag uu wadanku u baahan yahay.

Hadaynu lacagtaas haysano oo maalinkasta lacagtaas wadankeena ka baxdo waa ayaan daro wayn.

Reer somaliland ahaan lacagtaas inagaaba wax ku qabsan karaynay oo dalka ku dhisan karna, maxaynu gaal uga baahanahay iyo lacagtiisa?

Maxaynu inagu gacmaha isku qabsan waynay?

Runti waan ka xumahay lacagtaasi inay wadanka ka baxdo.

Kharashka ku baxa QAADKA.

1=maalinta lacag dhan= $33 million.

2=bisha lacag dhan= $990 billion

3=sanadka lacag dhan= $10890.

Waa lacag dhan oo ku baxda qaadka, lacagtaas oo wadanka wax loogu qaban lahaa hadii wadan jacayl ina hayo.

Runtii waan ka naxaa anigu qofka qaad u huraya lacagtiisi ama lacag uu cid soo shaxaaday, kaas oo laga yaabo in ay caruurtiisi casho la’aan hayso aan ka war hayn gurigiisi iyo caruurtiisi miyaanay ahayn ayaan daro?

Dhalinta maanta soo kacday hadaanay waxaas ka hor tagin oo aanay wax ka qaban iyaga ayaa sidaas noqonaya iminkana dhalinyaro badan oo jaamacada ka soo baxay way cunaan, hadii aad waydiisana maxaad ku falaysaa qaadka?

Wuxuu kuugu jawaabayaa: shaqo ama camal ma hayo ee maxaan qabtaa.

Adigaagi su’aasha waydiiyey ee is lahaa qaadka ka jooji ayuu ku odhanayaa wax noo-dhiib oo uu dib kuu shaxaadayaa.

Dadka qaadka cuna waa sadex nooc.

1=marka uu qaadka sito waa LIBAAX.

2=marka uu qaadka ku fadhiisto waa RI.

3=marka aroortii la toosinaya sida ay-ga ayuu IL-kaliya kugu eegayaa oo uu odhanayaa waan hurdayaa.

Runti aniga oo ah dhalinyarada wadanka u soo kacaysa jecelna wadanka inuu horumar gaadho waxa aan odhan lahaa qaadkaas ha laska kaashado oo wadanka halaga joojiyo dowlad iyo shiciba.

Horta qofku marka uu qaadka cunayo waxa fiican inuu fikiro oo is idhaahdo

horta muxuu taraa qaadku?

Maxaa lagaa siiyey lacagta qaadka?

Muxuu khasaare u gaysanayaa naftaada?

Ma u fiican yahay naftaada mise uma fiicna?.

ASTAAMAHA LAGU GARTO QOFKA QAADKA CUNA.

1=dhaqaale bur-buris.

2=shaxaad lacageed.

3=hoy la’aan

4=caafimaad la’aan

5=xishood la’aan

6=awood la’aan

7=lacag amaaha oo inta badan lagugu yeesho.

8=inaad hantidaada dayacnaato.

9=inaad moobilkaaga rahanto.

10=inaad dadka is-laysaan.

11=far-xadii bini-aadinimo inay kaa tagto.

Guntii iyo gaba-gabadii waxay tahay taladaydu aynu iska joojino qaadka oo dhaqaalahaas inaga galaya inagama go’ee aynu wax ku qabsano oo dalka gashano allena aynu talo saarano.

Su’aasha aan akhristayaasha uga tagayo waxay tahay:


SIDEE AYAYNU QAADKA KU JOOJIN KARNAA?

SIDEE AYAYNU WAX U QABSAN KARNAA?

DALKA MA DHISANAA?




TELL: 063-4000578

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND