Ubaxiiba Tahriibye Yaad U Talin Doontaa: Qalinkii Jaamac Maxamed Faarax

0
Thursday September 04, 2014 - 18:43:27 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ubaxiiba Tahriibye Yaad U Talin Doontaa: Qalinkii Jaamac Maxamed Faarax

    Waan salamayaa dhamaan shaqalaa kala duwan ee shabakadan calamiga ah ee www.afkashacabka.com waxaan leeyahay ilahay haydiin fudaydiyo xilka aad umadiina u haysaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan salamayaa dhamaan shaqalaa kala duwan ee shabakadan calamiga ah ee www.afkashacabka.com waxaan leeyahay ilahay haydiin fudaydiyo xilka aad umadiina u haysaan


waxaan rabaa inaan wax yar ka idhaahdo mid ka mida masiibooyinka ama afooyinka dadkeeni iyo dhalinyaradeenii afeeyey iyo moganaanta madaxdeena iyo masuuliyiinta.

 
tahriibku waa masiibo qaran tii ugu xumayd oo sahayatay ubaxii iyo mustaqbalkii dalal badan oo afrika ka mida , qoraxdii soo baxdaba waxaa ka soo boqola wadamada afrika boqolaal dhalinyaro ah, kuwaas oo u soo boqoola wadamada qarada yurub si ay uga raadsadaan nolol ay iyagu is leeyihiin way ka wanaagsantahay tay dadkooda ku haystaan ,lakiin dariiqa iyo habka loo maryaa uu yahayin qofku ku talo galo geeri iyo nolol miduun , safarkaa waxa uu ku maryaa qofka tahriibaa ahi. Buur ,Banaan ,Saxare,iyo Badba taas oo bishiiba sahayata kumanaan qof oo ku nafwaya bada ama saxaraha .
Hadaba iyadoo ay wadamo badani inala qabaan masiibadan tahriibka ,halkee ayaan kaga jiraa hadaan nahay dadweynaha reer somaliland dadkii masuulka ka ahaa ubaxan bada ku dhamdayse xagay martay masuliyadoodi. an yare eegno gabay la yidhaahdo TAHANBAAB oo uu abwaan Weedhsame tiriyay oo waxbadan inoo iftiminaya .
 
DHalintii tariibtee badweyn, tuurmay hilibkoodu .
Goortaan tartiib soo gocdaa ,wahan i taabtaaye.
Hirar soo tufayaan arkaa, hebelo toolmoone.
Maydkoodu wuxu teedsanyahay,taniyo silaane.
Todobaadba qaar tobanjiraa,tiihu dhaliyaaye.
Tigaadiyo tamuuxaa ka badan,tabaqaad lumaye .
Timadheer kolaytahay ,xamsoow tacabir waa saase.
Tobankii barbaraba ,lixbaa tegid u qaasharan.
Da,yartii tilmanayd ,waxaa wada talawsiiyay.
Tusmadii waxaa uga ba,ee,togaga jiidhsiiyay.
Tayraxa siyaasiyi, wuxuu baday ku taalaya.
Hayeeshee turxaantiyo,ragii telefka aas asay .
Kasma tabanidoodii , ragay ubadka toojaysay.
Tirtirsiinyo way ugu filayd,ceebta dhinac taale .
Damiir yare taxaabiyo malaha ,tawnkii garsheede.
Bal inaan taqsiirnahay,dayaay way tirsanayane.
 
maansadani waxay toos uga hadlaysaa sida dhalinyardiina 60% diyaarka ugu yahay inuu naftiisa ku soo biimeeyo tahriibta markii uu ku hungoobay madaxdii uu doortay iyo kuwa u soo socdaba inanay is dhaamin .
tusaale ahaan habeen hore oo ahayd 01/09/14 waxaa ku qaraqmay dhalinyaro ku dhow 200 oo qof oo isugu jira wiilal iyo habloba kuwaas oo kala badh ka midi yihiin tahriibayaal ka yimi somaliland yanay jirin ilaa hada xukuumad iyo mucarad toona mid ka hadlay , xisbiyada mucaradkuna ay maanta xaflado waaweyn u qabanyeen tagerayaal ay sheegeen inay ku soo biireen. waxaa jiray in madaxweynuu u saray oo magcabay gudi ladagaalanka tahriibta lamana hayo ilaa hada kudidaasi hal talaabo oo ay qadeen.
markaad aragto dhalintii oo badweynta ku dhamatay xukumaduna xaflado waaweyn oo lacagbadani ku baxdo u dhigayso dadka qurba jooga ah oo u muuqata dardargelinta tahriibka xisbiyada mucaradka ahina ay ku mashquulaan beel hebel ayaa nagu soo biirtay ayay maskaxdaada ku soo dhacaysaa weedha ah UBAXIIBA TAHRIIBE YAAD U TALIN DOONTAA

Allaa mahadle

jamac maxamed farax
sweden