Munasibad Lagu Furayay Sanad Dugsiyeedka Cusub Ee Dugsiga Oxford Ayaa Lagu Qabtay Magaalda Hargaysa + Sawiro

0
Friday September 05, 2014 - 12:54:13 in by salman abdi
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munasibad Lagu Furayay Sanad Dugsiyeedka Cusub Ee Dugsiga Oxford Ayaa Lagu Qabtay Magaalda Hargaysa + Sawiro

    Xaflad Balaadhan oo lagu furayay sannad dugsiyeedka 2014-2015 ee dugsiga Oxford ayaa maanta ku qabsoontay xarunta iskuulkaasi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Balaadhan oo lagu furayay sannad dugsiyeedka 2014-2015 ee dugsiga Oxford ayaa maanta ku qabsoontay xarunta iskuulkaasi .





Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaaraddda waxbarashada .Maamulka Dugsiga Iyo Macalimiinta . Madax Dhaqameed ay ka mid ahayeen Suldaan Cali Baane Iyo Boqor Raabi . waalidiin iyo arday tiro badan oo buux dhaafiyay madashaasi .

ox1

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Oxford C.Qaadir Nuur Maxamuud oo ka warbixiyay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray dugsiga Oxford waxaanu sheegay in dugsiga lagu bilaabay bareefad bixiyaa maadooyin kooban sida luqadaha iyo xisaabta ka dibna ay ku hamiyeen in ay balaadhiyaan iskuulka waxaanu sheegay maamuluhu in ay sameeyay dugsi hoose dhexe iyo barbaarinta caruurta sidaasna uu ku hirgalay dugsigaasi .

ox2

Waxaanu sheegay in ujeedoyinka ugu waawayn ee ay hiigsanayaan ay ka mid tahay in ay soo saaraan da’yar ka dhisan dhan walba haddii ay aqoon tahay iyo haddi ay tahay akhlaaq tahayba isagoo carrabka ku adkeeyay in ay dadaali doonaan si ay rumeeyaan hiigsigooda .

ox3

Waxaa isna halkaasi ka hadlay masuul ku halayay afka wasaaradda waxbarashada oo isna ardayda kula dardaarmay in ay dadaalkoda si xoojiyaan waalidkana ku booriyay in ay la socdaan waxbarashada caruurtooda .

ox4

Waxaa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Suldaan Cali Baane Iyo Boqor Raabi Yuusuf C/Laahi waxaanay labadooduba ku dheeraadeen qiimaha ay tacliintu leedahay iyagoo si gaara ula dardaarmay waalidka kuna adkeeyay in masuuliyadooda ay ilaaliyaan caruurtoodana ku ilaaliyaan waxbarashada iyo akhlaaqda waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in la siiyo iskuulka dhul dan guud ah oo looga dhiso dhisme uu iskuulku leeyahay .

ox5

Ugu danbeentii waxaa halkaasi abaalmarino lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanadki ay galeen .iyadoo xafladaasi ay ku soo gabogabooday jawi deggen oo farxadi ku dheehantahay .

 

ox6

ox7

Contact@afkashacabka.com