Baadhitaan Lagu Sameeyay Xaaladda Maskaxeed Ee Madaxwaynaha Ruushka

0
Friday September 05, 2014 - 13:08:56 in by salman abdi
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadhitaan Lagu Sameeyay Xaaladda Maskaxeed Ee Madaxwaynaha Ruushka

    Baadhitaan ay sameeyeen dadka wax faaqida iyo sawir qaadayaal caalami ah ayay ku ogaadeen xaaladda maskexeed ee uu ku suganyahay hogaamiyaha Ruushku aanay ahayn mid caadi ah ka dib markii dabagal lugu sameeyay sawiradii la qaaday xiligii uu socday Sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baadhitaan ay sameeyeen dadka wax faaqida iyo sawir qaadayaal caalami ah ayay ku ogaadeen xaaladda maskexeed ee uu ku suganyahay hogaamiyaha Ruushku aanay ahayn mid caadi ah ka dib markii dabagal lugu sameeyay sawiradii la qaaday xiligii uu socday Shirkii Minsk.

Dhinaca kale, kooxda khubarada siyaasadda ah ee baadhitaankan sameeyay waxay muujiyeen in marka la eego go’aannada siyaasadeed ee aan laga fiirsan iyo sidoo kale dareenka uu muujiyo hogaamiye putin xiliyada ay socdaan kulamada uu la leeyahay madaxda Reer-Galbeedku ay muujineyso in ay jirto dawakhsanaan dhinaca maskaxda , sida ay muujiyeen sawirro la qaaday waxaa wajiga hogaamiye putin ka muuqata cadho ama cabsi taas oo fahmi kari waayeen sawirqaadayaasha iyo wariyayaasha ka qaybgala shirarka uu joogo hogaamiyaha Ruushka ,Putin.

 

Waxaakale la sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu leeyahay dareen si dhakhso ah isu bedela iyada oo aan la garanaynin waxa kalifay, dareennadan waxaa keliya lugu arkaa dadka qaba xanuunada dhinaca maskaxda ama waalida . Waxay intaa ku dareen in hogaamiyaha Ruushka lugu arkay dareen muuqda oo wejigiisa laga arko oo ay ka mid yihiin isbedel ku yimaadda muuqaalka wejigiisa iyo sidoo kale xaalado aan caadi ahayn oo mararka qaar ka muuqda kuwaas oo ah astaan u ah isbedel dhakhso ah oo ku yimaada maskaxda qofka.


Khubarada baadhitaankan sameeyay ayaa sheegaya in muuqaalada laga qaaday wajigiisa ay muujinayaan in ay u egtahay qof aan awood u lahayn in xukumo dhaqdhaqaaqa murqaha wejigiisa, waxaana suuaragal ah in Putin aanuu mararka qaar uu ku yimaaddo xanuun dhinaca Neerfaha ah iiyadoo ay sababtu tahay waxyeelo gaadhay Neerfayaasha wejigiisa, iyada oo laga yaabo in ay sababtu tahay qalliin plastic wajigiisa lugu galiyay ama waxyeelo kale oo soo gaadhay habdhiska Neerfihiisa.


Arintan ku aadan dhaawac dhinaca Neerfaha ah oo laga yaabo in uu qabo hogaamiyaha Ruushku, waxaa ay sawirqaadayaashu sheegayaan in ay jiraan waxyaabo intaa dheer oo iyaguna muhiim ah in la xuso, sawirqaadayaashu waxay arkeen in muuqaalka wajiga ee hogaamiyaha Ruushku uu isku bedelayay wakhti ilbidhiqsiyo gudeheeda ah, xiligiia lugu guda jiray shirkii uu la lahaa qaar ka mid ah hogaamiyayaasha midowga Europe iyo Ukrainna ee ka dhacay Minsk laga dareemi karay cabsi.


Marka aad eegto sawirka ay wadagaleen madaxweynayaasha ay ka mid yihiin Lukashenko iyo Poroshenko waxaa hogaamiyayaasha kale ka muuqda degenaan , laakiin isagu si ka duwan hogaamiyayaasha kala duwan hogaamiyayaasha kale waxaa wajigiisa ka muuqda xaalad degenaansho xumo 



Contact@afkashacabka.com