
Hargaysa:Weedho Sababa In Xidhiidhka Lamanah Uu Sababo Inuu Qoysku Burburo.
Kalsooni Iyo in ay xaalad walba oo la soo derista hab wada jir ah u gorfeeyaan iyaga oo ku dhaqmaya qaaciidada wada hadalka iyo isku kalsoonida. Labada lammaane waxa looga baahan yahay in ay noqdaan ul iyo diirked oo ay xaalad walba ku waajahaan isku duubni iyo wada jir.
Khubarada Arrimaha Qoysku waxa ay hadaba daraasad weyn ku sameeyeen kaftan iyo hadalo haddii ay dhex maraan labada lammaane ee is qaba ay xaaladoodu halis gali karto oo loo baahan yahay in aad Looga waantoobo, gaar ahaan raggu in ay aad uga fogaadaan in ay noocyada kaftan qaarkood la wadaagaan xaasaskooda. Daraasad la sameeyey dhawaan ayaa lagu sheegay in waxyaabaha cuqdad nafsiga keena uu kamid yahay kaftanka oon la qiimeyn halka uu ku aaddanyahay, xilliyada labada qof ee nolosha wadaagaa ay kaftamayaan.
Hadaba kaftanadaasi waxa uu keensan karaan in wakhtiyada qaar laga yaabo in ay keenaan ama horseed ka noqdaan is afgaran waa sahlaya kala tagga lamaanaha iyo burburka qoyska. Waxyaabaha aan lagu kaftami Karin waxa ka mid ah, in aad hadal daciifnimo ah kula hadashid lamaanahaaga kaas oo dareen gaar ah ku dhalin kara, niyaddeedana hoos u dhigi kara.
Tusaale ahaan haku kaftamina in aad reerkiina, isbarbar dhig ku samaysaan labada qoys ee aad kasoo kala jeedaan, iyada oo arintaasi keensan karta in marka lasoo hadal qaado meelaha ay qoysasku ku fiican yihiin isla markiiba si kadis ah loo tilmaami karo qiimaha ay leeyihiin labada qoys. Ka Digtoonow in aad soo hadal qaado waxyaabaha uu dhibsanayo lamaanaha kale, sidoo kale lamaanahaaga ka ilaali in aad soo xasuusiso waxyaabo tagay oo aan habooneyn in la xasuusto.
Hadaba waxa wanaagsan in kaftanku uu ku salaysnaado waxyaabo aan dareen qoto dheer qofka ku yeelanayn oo la ilaawi karo. Waligaa xaaskaaga hakula kaftamin arrimo la xidhiidha muuqaalkeeda oo aad saluugto, Cuntadeeda oo aad mar walba wax ka sheegto ama aad kula kaftanto is barbar dhig aad ku samayso hablaha aad walaalaha tihiin ama kale in ay kaga wanaagsan yihiin dhinaca hagaajinta guriga, cunto karinta ama dabeecadda. Dadka hortiisa hakula kaftamin hadalo naxli leh oo ay dhibsan karto.
Hargaysa:Weedho Sababa In Xidhiidhka Lamanah Uu Sababo Inuu Qoysku Burburo.
Lamaanaha wada nool ee calafku isa siiyey isla markaana goostay in ay nolosha wadaagaan waxaa la gudboon in ay wakhtiyadooda ku wada qaataan Kaftan,