XAFLADAYDA MEHERKU MA DUKAAN LA FURAYAA WQ: SAHRA LADAN

0
Sunday September 07, 2014 - 12:42:19 in by salman abdi
  • Visits: 2526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    XAFLADAYDA MEHERKU MA DUKAAN LA FURAYAA WQ: SAHRA LADAN

    Waxa uu iyidhi waxan doonayaa in aan ku guursado waan ka aqbalay lakiin waxaan diiday dhaqankiisa waan jecelaa in aan nolosha la qaybsado oo aan noqdo oridiisa mustaqbalka lakiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu iyidhi waxan doonayaa in aan ku guursado waan ka aqbalay lakiin waxaan diiday dhaqankiisa waan jecelaa in aan nolosha la qaybsado oo aan noqdo oridiisa mustaqbalka lakiin


aad baan u kala foognahay waxa uu qorsheeyey doonistaydii lakiin waan ka walaacay oo waan ka diiday in aan noqdo gacalisadiisa dhabta ah waayo madoonayn in aan sidan u guursado ama aan gurigayga u dhiso wayo waa dhaqan aad u xun. Aniga dhankayga haa, waa sida aan aminsanahay anigu waan jecelaa Geedi ila xad waliba waan ku hamiyayey goormaad dhali doonta ciyaal uu Aabe u yahay Geedi moyi. Malin walba waan is waydiiyaa!!!?

Geedi aad buu ii jecelyahay runtii jacaylka uu ii hayo waa mid ka wayn ka aan u hayo markasta waxa uu ii samayn jiray wax kasta oo aan ku farxo ama aan jecelanayo. Haa waxa kasta waxa ugu waynaa kalsoonida qaali ga ah ee aan u hayey iyo hadyada ugu wayn ee aan u hayey waxay ahay dareenka aan u qabo markasta oo aan wadda hadlayno aad baanu u qiiroon jirney waxana aanu dareemi jirney in aanu nolosha macaankeeda u wada qaybsandoono si dhab ah una dhadhamin doono. Dadka asxabta ahi way nagu faani jiireen xataa way na dhawri jiireen waligayona iskumaanaan dhicin. Weligay indhahayga ilmo kamay iman murugo, mid farxaddeed mooye haa waa sida.

Marka aanu is eegayno indhahayagu waxay ahayeen kuwo ku raaxaysta daymada ay ku dheehantahay is aragayaga. Haa waxaan daremi jirey marka uu isoo eegaba waxaa I qaadi jirey dareen jidhidhico leh. " XAAX”. Ma qiyaasi karo kalamadaha naxariista iyo dareenka jacayl wata ee uu i dhaho, waxay toos ugu dhici jireen wadnaha. Markastana waxa iqaadi jirey guuxa ama garaaca wadnuhu samaynayo. Waliba haa xoog buu ii garaacmi jirey wadnuhu, marka qaar maan kari jirin jawaabta oo way adkayd in aan so ceeliyo jawaabta saxda ah ee u iwaydiiyey Geedi. Haddii aan xasuusto kalmadaha qaar imika waxan huba in aanan qalinka ku cabirikarin dareenkay lahaayeen lakiin waan isku dayeyaa in aan wax ka idhaahdo sababta na kala foogeysey aniga iyo Geedi.

Geedi waxa uu damcay in uu reerkayaga iga soo doono sida u dhaqanku ahaa, wax kasta waa uu diyaariyey. Haa wax walba oo u jecelyahay waa uu diyaariyey oo khuseeya xaflada meherkayaga, waan ku farxsanaa in aan noqdo marwada Geedi waliba si aad ah. Ma qiyaasi karo malintaasi farxaday lahyd. Waxa loo diyaar garoobay in lay siiyo Geedi oo aan ragga kacay ka doortay lakiin qodob aanaan isku ogayn ayaa meesha yimid!; aad baan uga xanaaqay runtii markii aan maqlay arinkaas.

Maan jeclayn in uu sidaa sameeyo wayo isaga ayaan noqonayaa oridiisa una hibaynayaa naftayda oo dhan sida diinteenu ina farayso. Ee noqon maayo gabadh ay ragga somaliyeed waada guursadaan oo gebigeedba iyada oo aan waxba u qarsoonayn laguna raaxaysto ama isha bin aadam ka dheregto quruxda illaahay igu manaystay intay doonto ha le’ekaatee. Waxa iska leh sawjkayga Illaahay ii xalaaleeyey. Sidaydaba ma jeceli in lay arko anigo asturnayn ama cawradaydu muuqato in ay dadku i arkaan; waa dhaqankii laygu soo koriyey iyo sharaftii diintayda, ee muujinayey ama maraga ka ahaa in aan ahay gabadh muslimad ah. Geedi waxa uu sameeyey caado imika so baxday. Haa imminka ayay socotaa, waxaad mooda malinta lagu meherinayo in daas ama dukaan laguu furayo. Haa waa iska duukaan mar haddii inta sawir aad leedahay inta boodh wayn lagu soo sharaxo la sudhayo meesha lagugu meherinayo. " Akhas” waa ceeb haa dadku waxay is waydiinayaan wax baadan. Sida:

Waa tiiye, maxaa laga xayaysiinayaa, weligay ayaan aqaaney, kuuma qalanto, foolxumo badanaa, oo dibjirad weeyee yaa wax ku falay, ma tanuu naf moodey iyo hadalo kale oo kutiri ku taan ah oo aan meesha qaban laguna kala dilayo dadka is doortay iyo reer ka cusub ee sada masaajid loo binaynayo, muslimka dhexdiisana ku soo kordhinaya khayr ka iyo wanaaga. Waa taas wax na kal foogaysay aniga iyo Geedi.

Dulucda sheekada akhriste waxaan uga danleeyahay inlayska daayo boodhadhka hablaha lagu soo sawirayo, iyo tahniyadaha lagu soo dhajinayo hablaha qaawan ee aan asturnayn.

SUBXAANA LAAH. Illaahoow na hanuuni oo aan macaasidu noo soo dhuuman.




Qalinkii: Sahra Ladan Mohamed Ali

Burco Somaliland

Email: Sahraladan22@gmail.com