Warshaddii Daqiiqda Ee Hargeysa Oo Cagaf Lagaliyay,Qalabkii Iyo Birta Qaaliga Ahayd Oo Iskaraab Laga Dhigtay+Moogananta Xukuumad Biixi.

0
Tuesday October 02, 2018 - 12:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warshaddii Daqiiqda Ee Hargeysa Oo Cagaf Lagaliyay,Qalabkii Iyo Birta Qaaliga Ahayd Oo Iskaraab Laga Dhigtay+Moogananta Xukuumad Biixi.

    Warshaddii Daqiiqda Ee Hargeysa Oo Cagaf Lagaliyay,Qalabkii Iyo Birta Qaaliga Ahayd Oo Iskaraab Laga Dhigtay+Moogananta Xukuumad Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warshaddii Daqiiqda Ee Hargeysa Oo Cagaf Lagaliyay,Qalabkii Iyo Birta Qaaliga Ahayd Oo Iskaraab Laga Dhigtay+Moogananta Xukuumad Biixi.

Cagaf Sheewal ah iyo Dad Muruq Maal ah ayaa maalmihii u dambeeyay lagagliyay Hadhaaga Agabkii ka hadhay Warshadii Dhuuniga Daqiiqda ee Dawladdii hore Soomaaliya ee Hargeysa ka dhisnayd,kuwaasi oo iskaraab ahaan u burburiyay dhamaan Qalabkii halkaasi yaalay ee birta qaaliga ah ka samaysnaa iyo Mishiinkii Warshadaasi oo aan hore wax faro farayn ah loo gaysan.

 

 

Wargeyska Foore oo shalay arooryadii hore booqday Goobta Warshaddaasi ka dhisnayd oo ah meel dhinaca ku haysa Warshaddii Sharaabka Biibsiga la odhan jiray oo wax yar koonfur ugu toosan biriishka ku xiga Huteelka Hargeysa Club ayaa waxaanu indhahayaga ku soo aragnay Warshadaasi oo ay kujirto Cagaf Sheewal ah iyo shaqaale muruq maal ah oo kala daadiyay intii badnayd ee Warshadaasi ka dhisnayd islamarkaana ay kasii taagan yihiin oo qudha falidh yari, waxay gabi ahaanba Cagaftaasi midh midh ukala daadisay Biro xadiid ah oo warshadaasi ku tahaadhnaa kuwaasi oo ay Googooysay, islamarkaana ay meel ku ururisay,waxaana loo malaynayaa in agabkaasi iskaraab ahaan loo iibinayo maadamaa oo ay cagaftu rigaaxday, waxa kale oo isbeer ahaan la furay furay mishiinkii wax ridqayay kaasi oo loo malaynayo in isticmaal ahaan meel kale looga faa’iidaysanayo.

 

 

Lama garanayo in Xukuumaddii hore ee Siilaanyo dad gaar ah ka iibisay Warshadaasi iyo in kale balse sida ay noo sheegeen Masuuliyiin Wasaaraddaasi hore uga shaqayn jiray, waxa Goobta Warshadaasi ka dhisan tahay qaab kiro ah loogu dhiibay Shirkad Ganacsi. Warar kale oo aanu ka helnay goobta Warshadani ku taalo ayaa noo sheegay in Hawshan imika ka socota iyo qalabkaasi la fur furayo ay fulinayso mid ka mid ah Shirkaddaha Ganacsiga Somaliland kuwaasi oo aan la ogayn cidda awood u siisay inay gabi ahaanba fur furaan qalabkii halkaasi yaalay oo waliba u ridqaan islamarkaana cagaf u galiyaan, waxaanay u egtahay inay Ganacsatadaasi doonayso inay meesha banaysato si dhismayaal cusub ay uga taagaan.

 

 

Mid ka mid ah Masuuliyiintii Warshadaasi Xilalka kasoo qabtay Wakhtiyaddii sideetamaadkiii ee ay dalka ka talinaysay Dawladdii Soomaaliya oo Hargeysa ku sugan ismarkaan lagu magacaabo Jaamac Daa’uud oo Maareeye ka soo noqday warshadaasi oo aanu khadka Telefanka kula xidhiidhnay isagoo Hargeysa ku sugan islamarkaana wax ka waydiinay sida ay Warshadaasi u shaqaynaysay iyo Faa’iidada ay lahayd ayaa waxa uu yidhi "Waxay ka mid tahay Warshadihii la sameeyay Wakhtigii Kacaanka 1975-kii illaa 1976-kii, Dhinaca Dhulkii la isku odhan jiray Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya Waxa laga sameeyay oo Qudha warshad Nooceeda ah Hargeysa iyo Burco Waxaanan maareeye ka ahaa tan Hargeysa 1980-kii illaa 1982-kii,Waxa ay soo saari jirtay Daqiiq Magaaladda Hargeysa ku filan,waxay ridqi jirtay Qamadiga iyo hadhuudhka oo dalka si weyn uga soo gu’i jiray”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Jaamac Daa’uud.

 

 

Waxaanu dhawr jeer ka garaacnay telefankooda Gacanta Wasiirka Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi si aanu wax uga waydiino arintani, balse Nasiibdaro labadooduba nagamay qaban Telefanka.

 

 

Sources Foore