Khilaaf Xadhkaha Goostay Oo Laba Garab U Kala Jabiyey Shaqaalihii Wasaarada Caafimaadka Ee Burco Iyo Badhasaabka Oo La Saftay Garabka.

0
Tuesday October 02, 2018 - 15:48:52 in by salman abdi
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Xadhkaha Goostay Oo Laba Garab U Kala Jabiyey Shaqaalihii Wasaarada Caafimaadka Ee Burco Iyo Badhasaabka Oo La Saftay Garabka.

    Khilaaf Xadhkaha Goostay Oo Laba Garab U Kala Jabiyey Shaqaalihii Wasaarada Caafimaadka Ee Burco Iyo Badhasaabka Oo La Saftay Garabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Xadhkaha Goostay Oo Laba Garab U Kala Jabiyey Shaqaalihii Wasaarada Caafimaadka Ee Burco Iyo Badhasaabka Oo La Saftay Garabka.
Khilaaf In Mudo Ah Soo Jiitamaayey Ayaa Hadheeyey Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer,Kaas Oo Ugu Danbayntii Shaqaalaha Iyo Madaxda Gobolka U Kala Jebiyey Laba Garab,

Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Iyo Wasiirka Caafimaadka Ayaa Lasheegay Inay La Safteen Garab Kamida Labada Garab Ee Is Khilaafsan,

Khilaafkan Ayaa Salka Ku Haya Boosas Kamida Wasaarada Caafimaadka Oo Shaqaalihii Ka Shaqayn Jiray Wasaarada La Dul Keenay,Dad Cusub,Kuwaas Oo Aan Hore Uga Mid Ahayn Shaqaale Weynaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer

 

9 Xubnood Oo Kamid Ahaa Shaqalaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer Oo Halbeel Ka Soo Wada Jeeda Ayaa Xilalalkii Ay Ka Hayeen Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer Laga Caydhiyey, Xubnahani Waxaa Eryey Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Togdheer Dr Aadan Malay.

Sidoo Kale Qaar Kamida Shaqaalahaasi Ayaa Sheegeen In Madaxda Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Tan Iyo Intii Xilka Loo Magacaabay Wasiir Xasan Ismaaciil Ay Ku Socoto Caga Juglayn Iyo Cabudhin.


Khilaafkan Oo Huursana Ayaa Debeda Usoo Baxay Kadib Markii Badhasaabka Gobolka Togdheer,Hakiyey Mushaharkii Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer,Waxaana Madaxii Maaliyada Ee Wasaarada Lagu War Geliyey In Shaqada Laga Joojiyey Isla Markaana La Keenaayo Masuul Cusub,Oo Aan Hore Uga Diiwaan Gashanayn Haayada Shaqaalaha Dawlada.



Khilaafkan Ayaa Ragaadiyey Shaqadii Wasaaradu Ay U Haysay Bulshada Gobolka Togdheer,Kaas Oo Gaadhay Gacan Ka Hadal Dhexmaray Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer,Sidoo Kale Wasiirka Caafimaadka Somaliland Ayaa Tahli Kari Waayey Inuu Xaliyo Khilaafkan Labada Garab U Kala Jabiyey Shaqaalaha Wasaaradaasi