Hargaysa:-Ex Wasiir Cadaani Maxuu Ka Yidhi Imaanshaha Madaxwayne Farmaajo Magalada Hargaysa

0
Wednesday October 03, 2018 - 14:24:13 in by salman abdi
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Ex Wasiir Cadaani Maxuu Ka Yidhi Imaanshaha Madaxwayne Farmaajo Magalada Hargaysa

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) , ayaa sheegay in aanay sinaba suurtagal ku noqonayn in Somaliland dib ula midawdo Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) , ayaa sheegay in aanay sinaba suurtagal ku noqonayn in Somaliland dib ula midawdo Somaliya.


Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) , oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi "Farmaajo wuu iska hadlayaa, wuxuu ku hadlayna wax suurtagal ah maaha, waxaana leeyahay Somaliland waa dal Calankiisa leh, waa dal Madaxweynihiisa leh, waa dal Ciidankiisa leh, waa dal jira, waa dal hanaqaaday, oo Dimuqraadiya, waa dal nidaamkiisa Dawladnimo u dhan tahay, waa dal leh Hay’addihiisa kala duwan ee Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka, waa dal ay dadkiisu u codeeyeen in aanay dib dambe uga mid 
noqon Somaliya, oo ay hore ugu hungoobeen, oo 97%, umadda reer Somaliland, waxay qaateen mawqifka ah ee inay madax banaanadaan, Somaliland maaha meel la iska soo galo, oo cid aan ka talin sheegato maaha, ee waa dal Madaxweyne iyo nidaam dawladeed leh, Farmaajana waa inuu niyadiisa ku hayaa in aanu marnaba dhacaynin calanka Somaliland ee Tawxiidku ku qoran yahay, waxaana leeyahay midaw dambe ma jiro ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah, sidaas aynu haddaba nahay”.