Shir diiradda lagu saarayo shaqa la'aanta hay'sata dhalinyarda Oo Lagu Qabanayo Johannesburg.

0
Thursday October 04, 2018 - 09:25:42 in by salman abdi
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir diiradda lagu saarayo shaqa la'aanta hay'sata dhalinyarda Oo Lagu Qabanayo Johannesburg.

    Shir diiradda lagu saarayo shaqa la'aanta hay'sata dhalinyarda Oo Lagu Qabanayo Johannesburg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir diiradda lagu saarayo shaqa la'aanta hay'sata dhalinyarda Oo Lagu Qabanayo Johannesburg.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa todobaadkan waxa uu magaalada Johannesburg ku qabanayaa shir laba maalmood socon doona oo loogaga hadlayo sidii loo dardar gelin lahaa hababka shaqo abuurka ee dalkaasi.

Heerka shaqo la'aanta dalka labaad ee leh dhaqaalaha ugu badan qaaradda Afrika ayaa waxa uu ka sarreeyaa boqolkiiba 27.

Dalka Koonfur Afrika waxaa soo food saartay shaqa la'aan baahsan,oo boqolkiiba konton iyo afar dhalinyarada ayaa shaqa la'aa ah taas oo labalaabantay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii dawladda ay dhalinyarada ugu sameyn lahayd shaqa abuur joogta ah, waxaana la bartilmaameedsanayaa in la abuuro kun shaqo oo cusub dhamaadka sanadkaan.

Waxaa shirka ka soo qeyb galaya ilaa 600 oo wafuud oo ka kala socda dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxa ayna ka wada xaajoon doonaan hormarinta xirfadaha, baritaarka ganacsiyada yar-yar,maamulidda shaqooyinka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha.

Dawladda madaxweyne Cyril Ramaphosa waxaa hareeyay xaaladda shaqa la'aanta baahsan ay ka jirta dalka, taas oo ay wehliso dhaqaale xumo.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxa uu shaaca ka qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo dhaqaalaha kaas oo ay ku kacayso kharash dhan 3.5 Bilyan oo doolar.

Iyadoo sandka dambe ay doorasho ka dhacayso waddanka, Ramaphosa waxaa u taallo hawl adag oo ah sidii uu u qancin lahaa shacabka ay lacag la'aanta haysata, isla markaana uu yahay hogaamiye wanaagsan oo dalka koonfur afrika hormar gaarsiin karo.