War Deg Deg Ah:-Maamul Goboleedka Hirshabeelle Oo Hada Amaawiir Culus Soo Rogay Iyo Cida Lagu Soo Rogay.

0
Friday October 05, 2018 - 12:54:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Maamul Goboleedka Hirshabeelle Oo Hada Amaawiir Culus Soo Rogay Iyo Cida Lagu Soo Rogay.

    War Deg Deg Ah:-Maamul Goboleedka Hirshabeelle Oo Hada Amaawiir Culus Soo Rogay Iyo Cida Lagu Soo Rogay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Maamul Goboleedka Hirshabeelle Oo Hada Amaawiir Culus Soo Rogay Iyo Cida Lagu Soo Rogay.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyn, ayaa soo saaray amaro ka dhan ah dadka ku nool deeganada gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha ayaa ku amray goobaha waxbarashada lagu xiro calanka Soomaaliya iyo kan maamulka Hirshabelle, waxaana uu intaa ku daray in talaabo laga qaadayo maamulka dugsigii aan fulin awaamiirta maamulka.

Sidoo kale, waxaa uu soo saaray amar ah in ganacsiga laga qaado wadooyinka hareerohooda, si loo helo wadooyin dadka iyo gawaaridaba ay isticmaali karaan, gawaarida xoolaha ka qaada Baladweyn ayuu dhinaca kale faray in ay ka shaqeeyaan nadaafada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay soo saaray awaamiir kala duwan, isaga oo sidoo kalana xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida oo la sheegay in ay ka biyo diideen xil ka qaadis lagu sameeyay.