Qatar Airways oo Shaacisay In Aaney Joojineen Duulimaadka Ay Ku Tagto

0
Tuesday October 09, 2018 - 12:42:56 in by salman abdi
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar Airways oo Shaacisay In Aaney Joojineen Duulimaadka Ay Ku Tagto

    Qatar Airways oo Shaacisay In Aaney Joojineen Duulimaadka Ay Ku Tagto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qatar Airways oo Shaacisay In Aaney Joojineen Duulimaadka Ay Ku Tagto Shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sheegtay in ay ka go,antahay sii wadida duulimaadyada ay ku tagto Iran,ayna hakin doonin howlahooda cunaqabateynta ganacsi uu mareykanka saaray Iran.



Isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada caasimada ah ee dooxa madaxa fulinta shirkada Qatar Airways Akbar Al Baker,ayaa balan qaaday in ay sii xoojin doonaan howlaha duulimaad oo ay ka wadaan Iran.


 

 

Mr Akbar ayaa intaa ku daray in cunaqabateynta mareykanka uu saaray Iran aysan ka hor imaan doonin duulimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka Iran.


Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo xukuumada Iran cunaqabateyn dhaqaale uu ugu soo rogay mareykanka.


Qatar ayaa xiriir ka ganacsi iyo mid ka siyaasadeed oo ay la leedahay Iran uu marba marka ka danbeysa ahaa mid sii xoogeysanaya tan iyo markii uu fashilmay afganbi sanadkii la soo dhaafay sacuudiga uu la damacsanaa Qatar.