Cadaado:-"waxaan ku dooraneynaa madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug"Cali Gacal Casir.

0
Wednesday October 10, 2018 - 13:27:45 in by salman abdi
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaado:-"waxaan ku dooraneynaa madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug"Cali Gacal Casir.

    Cadaado:-"waxaan ku dooraneynaa madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug"Cali Gacal Casir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaado:-"waxaan ku dooraneynaa madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug"Cali Gacal Casir.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir laakiin ka biyo diidan xil ka qaadistiisa ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay ku dooranayaan sida uu hadalka u dhigay madaxweyne cusub oo yeelanayo maamulka Galmudug.

 

 

Maalintii shalay ayeey aheyd markii degmada Dhuusa-Mareeb lagu doortay guddoomiye uu yeelanayo baarlamaanka Galmudug oo loo doortay Ismaaciil Cabdulle Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Cali Gacal Casir.

 

Laakiin Cali Gacal Casir oo ku sugan degmada Cadaado ayaa sheegay in ay diyaar-garoow ugu jiraan doorashada madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug, madaama ayuu yiri horay xilka looga qaaday madaxweynaha Xaaf.

Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa intaa ku daray in la soo buuxin doono kursiga guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in arintan loo saaray guddi doorasho kuwaa oo laga sugayo ayuu yiri in ay ku dhawaaqaan xiligan doorashada madaxweynaha Galmudug.

Warkan ka soo yeeray Cadaado ayaa u muuqda mid sii murjinaya khilaafkii markii hore-ba jiray, waxaana arintan walaac xoog leh ka muujinaya dowladda Soomaaliya oo u aragta mid bur bur iyo kala tag u keeni karta guud ahaan-ba maamul gobolleedka Galmudug.