18 Kursi oo golaha xuquuqal Insaanka oo la buuxiyey

0
Saturday October 13, 2018 - 09:20:42 in by salman abdi
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 Kursi oo golaha xuquuqal Insaanka oo la buuxiyey

    18 Kursi oo golaha xuquuqal Insaanka oo la buuxiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

18 Kursi oo golaha xuquuqal Insaanka oo la buuxiyey

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa doortay xubno cusub oo ka mid noqonaya 47-da xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey.

18 waddan ayaa laga soo xushay qaaradda Afrika, Aasiya, Yurub, Latin America iyo galbeedka Yurub.

Balse doorashadani waxaa aad u dhaliilay kooxaha u ololeeya xaquuqul insaanka kaddib markii waddamada qaar ee sooyaalkooda xaquuqul insaanka uusan fiicnayn ay xubin ka noqdeen golahani.

Mareykanka ayaa bishii June isaga baxay golahani xaquuqul insaanka ee Q.M waxa uuna ku eedeeyay in ay xubno ka yihiin waddamada ku caan baxay tacaddiyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka iyo in xubinnimada golahani aanan loo tartamin.

Tani waxay ahayd doorasho aan loo tartamin, maadama mid kasta oo ka mid ah shanta gobol ee codeynayay ay isku waafaqeen xili hore murashaxiintooda.

Sidii la saadaalinayay, dhammaan 18 kursi ee banaaneed ayaa la buuxiyay iyadoo aysan jirin cid kasoo horjeestay. Mid walbana waxuu helay aqlabiyadii loo baahnaa ee ahayd 193 dal ee uu ka kooban yahay gollaha guud ee QM.

Bahrain, Cameroon, Eritrea iyo Phillipines ayaa ka mid ah xubnaha uu ka dhashay muranka ugu badan ee la doortay.

Hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegtay codeynta ceenkaan ah ay ka dhigeyso erayga doorasho mid macno la'aan ah, sidoo kalena ay hoos udhigeyso hufnaanta gudiga iyo waxtarkiisa.

Waxaa jiray in si weyn xooga loo saarayay xubinimada gudiga xuquuqul insaanka ee QM tan iyo markii Maraykanka uu go'aansaday inuu isaga baxo gollahaasi bishii June.

Safiirka Maraykanka ee QM Nikki Haley ayaa waxay golahani ku tilmaantay mid ilaaliyo dadka geysta tacadiyada siyaas ahaana dadka qaar ugu xagliya.