Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Soo Galootiga Oo Ka Dhacay Jarmalka.

0
Sunday October 14, 2018 - 10:27:05 in by salman abdi
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Soo Galootiga Oo Ka Dhacay Jarmalka.

    Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Soo Galootiga Oo Ka Dhacay Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Soo Galootiga Oo Ka Dhacay Jarmalka.

Dad gaadhaaya ilaa 500 oo qof ayaa isugu soo baxay goob basaska laga raacooo ku taala magaaladda Caasimadda ah ee Barlin , waxaanay dadkaasi xusayeen sannad guuraddii kasoo wareegtay maalintii ay dib u midoobeen labada qaybood ee Jarmalka loo kala qaybiyey dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Dadkan muddoharaadeyaasha ah oo sitay calanka dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqaayey ereyo ay kaga soo horjeedaan dadka soo gelootiga ah , waxaanay ugu baaqayeen Ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Markel in ay is casisho.

 

Ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka ayaa mucaaridad iyo muddoharaadyo iska hor imanaaya la kulmaysay tan iyo sannadkii 2015-kii, waqtigaas oo ay dalkaasi u ogolaatay in ay soo galaan qaxoonti ka badan 1 Million , kuwaas oo u badnaa dadkii kasoo qaxay wadanka Suuriya colaadaha ka jira.

 

Muddoharaad kan lamid ah ayaa isna ka dhacay magaaladda Kootbas ee Barriga dalkaasi ku taala Arbacadii ina dhaaftay , iyada oo ay dadkasi ka soo horjeedeen dadka Soo galootiga ah ee dalkaasi kusoo qul qulaaya.