Muqdisho:-Dowladda Somalia Oo Ballanqaad U Sameysay Carruurtii ku Agoontoow-day Qaraxii Zoobe.

0
Sunday October 14, 2018 - 17:43:17 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Dowladda Somalia Oo Ballanqaad U Sameysay Carruurtii ku Agoontoow-day Qaraxii Zoobe.

    Muqdisho:-Dowladda Somalia Oo Ballanqaad U Sameysay Carruurtii ku Agoontoow-day Qaraxii Zoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Dowladda Somalia Oo Ballanqaad U Sameysay Carruurtii ku Agoontoow-day Qaraxii Zoobe.

Iyadoo maanta loo baroordiiqay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay ballanqaad u sameysay carruurtii ku agoontowday qaraxa.

 

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas.

"Kooxaha argagaxisada ah ayaa niyadda ku hahay in weerarkii October 14, 2017 ay tirtiri karaan dawladnimada, damin karaan iftiinka, dunidana u sheegi karaan in Soomaaliya aysan amni ahayn hase yeeshee taa bedelkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay ka heleen Midnimo, horumar, deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto fikirka gurracan” ayuu Kheyre.

Qaraxii Zoobe ee sanadkii hore maanta oo kale dhacay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee taariikhda soo mara dalka, iyadoo mar kale ay ku nafwaayeen ku dhawaad 700 oo ruux oo intooda badan ahaa dad rayid ah.