Saraar:-Shacabka Ku Nool Gobalka Saraar Oo Quus Iyo fara Madhan Ka Taagan Xubnaha Wasiirada Ee Xukuumada Madaxwayne Biixi Ugu Jira

0
Tuesday October 16, 2018 - 16:05:03 in by salman abdi
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraar:-Shacabka Ku Nool Gobalka Saraar Oo Quus Iyo fara Madhan Ka Taagan Xubnaha Wasiirada Ee Xukuumada Madaxwayne Biixi Ugu Jira

    Shacabka Ku Nool Gobalka Saraar Oo Quus Iyo fara Madhan Ka Taagan Xubnaha Wasiirada Ee Xukuumada Madaxwayne Biixi Ugu Jira Iyo Madaxwayne Biixi Oo Dhagaha Ka Furaytay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Ku Nool Gobalka Saraar Oo Quus Iyo fara Madhan Ka Taagan Xubnaha Wasiirada Ee Xukuumada Madaxwayne Biixi Ugu Jira Iyo Madaxwayne Biixi Oo Dhagaha Ka Furaytay.

Gobalka Saraar aaya ah gobalada baaxada dhuleed iyo khayraadba leh isla markaana xukuumada Somaliland hoos gaysay gobalka sool darajada uu kabka dhaqaale xukuumadu ku siisana uu yahay daragada C halka gobalada dhigiisa ah ee gabilay ay darajada xukuumada kabka kusiisa uu yahay B .

Hada xukuumada oo madaxwayne biixi gadhwadeenka ka yahay ayaa shacabka gobalka saraar ubalan qaaday horumara iyo waxqabad ay ka hirgalin doonto magalada caynaba iyo gobalka saraar oo an wali haynin shacabkasi .

Bulshada reer saraar xubnaha ugu jira xukuumada madaxwayne biixi ayaa noqday qaar fadhiida oo an wali tagin magalada caynaba kana hor wareegin shacabkii ay iyaga magacooda ku fadhiyeen xilalka wasiiir nimo ayna wali madaxwayne biixi waydiin balan qaadyadii kala duwaan ee madaxwaynuhu wakhtigii olalaha usameyay shacabka gobalka saraar oo wakhtigan cabasho badan kaso yeedhaysa .

Badhsaabka madaxwaynaha Somaliland umagaacabay goblka ayaa ah masuul kaso jeeda gobalka gabilay oo kaas oo isna ushaqatagay gobalka isla markaana wax hurmara aan ka samayn intuu uu xilka gobalka saraar hayay.

Wasiirada wasaaradaha xidhiidhka golayaasha Maxamed xaji adan cilmi ,shaqo galinta iyo arimaha bulshada iyo qoyska Hinda jaamac gaani ayaa xatal aan ku qanacsan xilka ay xukuumada madaxwayne biixi u hayaan isla markaana aan wali shacabkay kaso jeeden ujeesan xagooda .

Xukuumada madaxwayne biixi ayaa ilaa hada umuuqata inay waxqabad iyo horumarka wadanka ka gaysnaysa gobalada galbeedka Somaliland oo ay dhagaha ka furaystay shacabka gobalada bariga Somaliland.