WAAN QALIN JEBIYAY :- WQ: ENG.MAXBUB XUSEN ISMACIL

0
Thursday September 11, 2014 - 08:19:31 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAAN QALIN JEBIYAY :- WQ: ENG.MAXBUB XUSEN ISMACIL

    Aragtidaydani maahan mid cid gaar ah ku Foolan ama farta ku fiiqaysa Balse waa Fikir Aqooneed san oo Hab iyo Process aan u sameeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidaydani maahan mid cid gaar ah ku Foolan ama farta ku fiiqaysa Balse waa Fikir Aqooneed san oo Hab iyo Process aan u sameeyay.


Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka  iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay Dhalinyaro fara badan oo kuma naan kaadhaya oo September kasta ka qalin jabiya Jaamacada Gobolada ku kala yaala

sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan bal fikirkayga gaaban oo an kaga hadlidoono bal wax ayabaha ku xeeran dhalintan qalin ajbinaysa ee  faraha badan. Siadan baanan u dhigay.

____________________________________________________________ 11/09/214__

Aragtidaydani maahan mid cid gaar ah ku Foolan ama farta ku fiiqaysa Balse waa Fikir Aqooneed san oo Hab iyo Process aan u sameeyay.

Sidaad lawada Socotaaan, waxaa la galay Bishiii 9 -aad eee sanadka ama sida ay Dad badani u yaqaanaan ee September waxana caado inoo ah Bishan marka la gaaadho in ay Jaamacadaha Dalaka goboladiisa Kala Duwan ku yaala Ay Kasoo Baxaaan Ama kasoo Qalin Jebiyaan ugu Yaraan dhalin yaro maskax fresh ah wadata  oo da-dooda an ku qiyaasi karo 20-35 inta u dhaxaysa.

 

Hadaba dhan markaan arko Ardaydaas waan la Farxaa Dhana qalbigaa wax igaga soo Dhacaan oo waan Murugoodaa.

 

Hadii aan Cadeeyo Dhanka Farxada, waa ku farxaa oo waxaan arkaa Dhalin yaro Faraxsan oo muujinaysa Firfilcoono, oo aqoon ta qaybaheeda kala duwan bartay oo nolosha halgankeedii wax barasho qayn ka mid ah dhameeyeeen, waana wax lagu farxoo waa aqoon iyo iftiiin iyo Hogaan usoo baxay qarankan ama dalkeena. mudana in aan la farxo. oo loo tahniyadeeyo.

 

waa tan balaad ee waan yara murugooda oo waxan ka murugoodaa kumanaan kaas dhalin yaro ee aqoonta leh, ee hadana aan percentage-ka sahqada ka helaa uu aad u yar yahay amaba aanu jirin, iyo sida Maamul keenu iyo Dow ladeenuba uga Hurdaan sidii dhalintaasi wax loogu qabna laha oo loo dhiiri gelin lahaa, si ay Hankooda ama naftooda u nooleeyaan.

waa mid kalee waxaan kaloo la sii yaabaa markaa Xaflad la iskugu yimaado xafladaas oo ma-sas keedu yahay in loo hanbalyeno oo lala taliyo ama la wacyi geliyo maskaxdan freshka ah. waxa sida caadada inoo ah dhacda in xafladaas loogu soo casuumo  Mucaarad iyo muxaafad ba xalkii ay ahaan lahayn in ardaydaa farxadooda lala qaybsado oo la hoga tusaaleeyo, laguna dhiiri geliyo nolosha waxa ay soo dhex geliyaaan Kambayn, siyaadadaysan oo qofkastaa isku dayo kalmadiisa xisbi ama xildhibaan ama siyaasi in uu ka jeediyo .

Hadana iyado oo taasi jirto waxa aad ogaanaysaa marka aad la shaykaysato dhalin yarada qalin jabinaysa. in ay Yihin laba group.

 Group waxa ay ku odhanayaa maadaama aan qalin jabiyay oo aan ugu yaraan muda 20 snao ah wax soo baranayay  waa in aan helaa sahnqo waa khasab wayao muwaadin baan ahay u dhasahy dalka wax u baraty dalkan leh han nololeed oo raba in uu is buuxiyo noqdana qof meel iska soo saara markaa waa in shaqo aan helaa. waana Groupka inoogu Dhibka badan ee aakhirka dalka  ka tahriiba marka ay quustaan, waxan loo baahanyahay in aynu iska kaashano sidii ayny fikradooda u bedeli lahayn si aqooneesan.

Groupna waxa ay  amain sanyihiinin in aanay shaqadu kuba jirin gacanta masuuliyiinta ama madaxda hanoqoto kuwa shirkad ama ha noqoto kuwa dowlad bee. waxay aamin sanyihiin in ay iyagu sahqo abuuran karaaan, ooo ay is bari karaan una soo bandhigi karaan shirkaddaha iyo madaxda dalka Kartidooda aqooneeed iyo toda xir fadeedba. iyagoo inta ay isku tagaan shaqooyin abuuranaya ama shirkado yar ayr samysanya. waan groupka ugu fikrada wacan. una baahan in lagu dhiri geliyo, si aanay inaya ugu biirin groupkaa hore oo halis aanay uga dhalan fikirkoodaas saliim ka ah.

Hadaba maxa ka dhalankara qalin jabinadan fara badan ee socoda:-

hadaan kusii socda labadii group ee anu halka sare kusoo sheegnay.

waa kuwa hore iyagu waxa dhacda hadii ay waayaan shaqooyinkaa ay ku haminayaan in ay niyad jabaaan oo ay isku dayaan in ay Naftooda halaagaan waana tan badanaa ina hadaysata oo dhalinyaro midhihiii aqoonta ahi ay ku li-daan badaha libiya, taasna waa laga wada dharagsanyahay oo shegis igama baahna. waxan loo baahanyahay in aynu iska kaashano sidii ayny fikradooda u bedeli lahayn si aqooneesan.oo wacyi gelino badan xanbaarsan.

waa kooxda labaad ee iyagu waxa ay isku dayaan in ay la Jihaadaan Nolosha adag ee shaqo yaraanta ah iyagoo isku daya in ay naftooda la sheekaystaan oo iyagu wax qabsadaan, waxana ka mid ah wax yaabaha lagu faani karo ee laagaga dayan karo koox daas labaad ee an xaga sare kusoo sheegay, iyagoo samaysta ama asaasa inta ay isku tagaaan (Small business) waxa loo yaqaano oo ah Ganacsi yar oo ay labadii ama 10- kii heshiiyaaba ay  wax cusub kusoo kordhiyaaan bulshada, halkaasna ay shaqo abuur ugu sameeyaa intii kale ee la qalin jebisayba. waaana mida kudayashada mudan baa odhan karaa oo ah in dhalinteena lagu dhiiri galiyo laguna wacyi geliyo. xataa Talo ha ugu yaraati lasiiyo.

Gabagabadii Maqaal kaygan waxaan aan hadal kayga kusoo koobayaa ,

mid aan leeyahay dhalinta qalbin jebinaysa iyo mid aan leeyahay masuuliyiinta shairkadaha iyo kuwa dowladaba:-

mid baan leeyahay dhalinyarada qalin jebinaysa :- waxaan leeyahay dhalineen ha niyad jabina  oo ha noqonina kuwo shaqo doon ah ee noqda kuwo sahqo abuur noqda,Hana Burburina Hamigiii iyo Hankii waalid kiin iyo family ginuba idin ka lahaa ee ahaa in aad beri markaad u qalin jebisaan wax kusoo celisaan haba yaraatee. hadii aad shaqo hoaray u heli waydo na maahin in aad noloshii wayday balse waxaa laga yaabaa in eebe wado kale oo shaqo ah uu ku furo, shaqona yaraysi malahan ee waa any shaqo adoo engineering bartay baaad  dalawar noqon kartaaa, markaa dhalinay dadaaloo hamigiina ka dhex muujiya dalkiina dal kelena yaaynaan camirin oo dalkeena shaqo la-aan darteeda uga yaacin, si aanay musqtaqbalka fog dalkeena quruumo kale dhaxal ugu noqinin.

mid na waxan leeyahay masuuliyiinta shirkadaha dalka iyo masuuliyiinta dowladaba, waar ilahy ka cabsoodoo bal haday daan xataa shanqooyin aydaan awood u lahayn in aad siisaan ama ku hagtaan dhalinta aqoonta leh fadlan bal khud badihiinana faraha badan ee mid kastaa siyaasadiisa iyo xaafadiisa kaga sheekaynayo bal ka yareeya ubad keena, waxana hubaan ah o an ognaayhay qofkastoo madax ah hanoqdo mis khaas ama mid dowlad ee in uun  Hal ama Labo  qof   ugu kujira kumanaankaas qalnin jebinyaa in uu haysto shaqo, waana wax aan soo arkay , markaa ninkastoow masuul noqo ogow maalin aad ka jilic santahay oo eebe hortaagan tahay baa lagugu la xisaab tami.

Hadaba Side La Isku waa Fajinkaraa Waan Qalin Jebiyay + Shaqo abuur :-

Anigu ma lihi shaqo ha lawada siiyo dhamaan kumanaan kaas kun ee arday waayo waan ogahay awoodedaa ma lihin , lkn waxaan odhan lahaa,

wadooyin kan hadii la maro is bedel baa la arki karaa:-

1.         Shaqooyinka kasoo baxa dowlad iyo Shirkadba  ha lagu qaato Shaqaalaha si cadaalad ah oo halaga saaro qabyaalada iyo is jeclaysida .

2.         Qodobkan waa qodaobka ugu muhiimsan ee aan anigu xal u arko waana,

a)         In ugu yaraa 10%  ka mid ah ardaysaas qalin jabinaysa shaqooyin lasiyo si daacad, ah weliba oo lagu Darsado Budget kad Dowlada Sandkasta ay Malaayiinka Dolar ee safarada ku baxaya iyadoo loogu leexinayo dhankan qaqo abuurka ah.

b)         In ugu yaraan 30%  kale oo ardaydaas ka mid ah loo sameeyo mashaariico ay shaqooyin ku abuurikaraan Ha noqoto in  loola xidhiidho haayadaha caalamiga ah qorshaha dowlada ama wasaaradaha ku shaqada leh na la geliyo Haygan kuna Darsadaan wax qabadadooda lagula xisaab tamikaro mustaqbalka. iyadoo la tix raacayo weliba sanduuqa lagu maga caabo sanduuqa dhalinyarda.

c)         60%   kale ee hadhay waxaa hubaal ah ilaa 30% ka sii mid ah in ay shaqooyin ka sii heli lahaayeen isla mashaaariicahaas loo sameeyay .

Halkaas na waxaa lagaga Gudbi karaa dhalintan Halaagsamaysa ee shaqo la-aanta u tahriibaysa,

 

NB: Qoromadan aan qoray xogogaal ayaan u ahay oo ardaydaas ka qalin jabinaysa jaamcadaha waan ka wara qabaa wayo Waxaan ahay Macalin Jaamacadeed.

 

وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ ) 

Waad Mahadsantihiin

QALINKII :-  Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com         

Tell: +225-63-4331708              

Burao Somaliland

https://www.facebook.com/MrBura0