Gobta lagu Gafey ee Gabooye.WQ:AHMED RASHEED

0
Thursday September 11, 2014 - 14:29:00 in by Super Admin
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobta lagu Gafey ee Gabooye.WQ:AHMED RASHEED

    Madaxweyne Qalinkaagu maanu qaban Qabiilka Gabooye?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Qalinkaagu maanu qaban Qabiilka Gabooye?


Waxaa hubinti ah oo marag madoon ah in beelaha gabooye yihiin dad kaalin mug-leh ugu jira nolosha aasaasiga ah ee bulshada somaliland waa farsamo yaqaanka dalka, waa warshadaha dalka, waa ay xor ka yihiin dawarsiga, shaxaadka, iyo khalkhal galinta amniga umadda, waa bulshada kaliya ee nabada somaliland ku caano maasho maalin kaliya aan laga sheegin wax khal-khal abuuraya iyada oo gaal oo dhani ku meeraysto kuna idhaahdo xuquuq ayaa idinka maqan si fududna loo awood galinkaro laakin waa dad ku qanacsan dalkooda iyo dadkooda, waxaa weeye sidoo kale bulsho aan qaska mandaqada ka socda aan qeyb ka aheyn iyada oo aanad maqleyn iney ku jiraan dagaalo sokeeye iyo kuwa beeleed sidoo kalena xor ka yihiin inta ogaalkeyga ah kooxaha hadda tamarta daran ee Alshabaab ka midka tahay ee mandaqada qaska ka wada.

 waa bulsho samir badan oo dulqaad badan oo dhibaato weyn oo aan diinta iyo dadnimada ku saleysneyn lagula kacay haddii ay tahay dhanka takoorka iyo fogeynta jaahilnimada ah. waxaan xoog ugu mahadcelinayaa isbadalka ay sameeyen dhalinyarada igaya ka midka ah ee uu hormuudka u yahay Haldoor Barkhad Jama HIrsi Batuun kuwaas oo jaamacada dalka ka baxay kalsooni fiican muujiyey bulshadoodiin wax badan u taray kana qeyb qaatey dib u dhiska wadanka iyo horumarkisa sido kalena waxaa amaan leh Xukuumadda ahmed mahamed silanyo oo fursado badan oo shaqo siisey dhalinyaradaas waaney ku amaanan tahay wallow bartii la rabey wali aan la gaadhsiin. haddaba waxaan is weydiiyaa oo aan ka fikiraa markasta maxay bulshadaasi gabooye u heli weyday Wasiir, Agaasime, Wasiir kuxigeen, Isu duwe Gobol, Badhasaab, Agaasime Waaxeed, Safiir, iyo waliba sidoo kale xoghaye dawlad hoose waa ayaan darada ina haysta gaar ahaan xukumada hadda joogta waayo intaasba xaq ayey u leeyihiin waaney jiraan rag badan oo gudan kara hawshaas balse ma garanayo waxaa sabab u ah.

Maanta waxaynu dal ku dhisan dimuqraadiyad jecel dalka iyo dadkooda, xilalka qaranka lo ohayo waxa fiican in loo sinaado oo si isku mida loogu taliyo dalka.

Xukuumada ahmed mahamed siilaanyo mar labaad iyo mar sadexaadba waan u mahad celinayaa waan taageersanahay waan garab joogaa siday reerkaas wax ugu qabatay, runtii marka loo eego dowladihii hore ee soo maray somaliland waa dowlada wax uqabatay reerkaas.

Waxaan leeyahay oo farriin u dirayaa dowlad iyo shiciba reerka gabooye hala qaado takoorka lagu hayo ama sooca laga soocayo reeraha dega somaliland, reerkaas waa reer inaga mudan ixtiraam, qadarin,karaamo soo dhawayn iyo iwm.

Waxaynu nahay dal dimuqraadiyad sheeganaya kana fog qabyaalad, maanay ahayn inaynu reer ahaan ka sinaano dal maamulka ama dal xukumidiisa.

Reerkaas aynu ka saarno takoorka lagu hayo, waxaynu dal dimuqraadisanee.

 Madaxweyne Qalinkaagu maanu qaban Qabiilka Gabooye?

 

TELL: 063-4000578

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND