Kenya:-Somaliland Iyo Kenya Oo Wadda Hadal Ku Yeeshay Nairobi Iyo Qodobada Lagu Soo Qaaday

0
Friday October 26, 2018 - 07:10:10 in by salman abdi
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:-Somaliland Iyo Kenya Oo Wadda Hadal Ku Yeeshay Nairobi Iyo Qodobada Lagu Soo Qaaday

    Somaliland Iyo Kenya Oo Wadda Hadal Ku Yeeshay Nairobi Iyo Qodobada Lagu Soo Qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Iyo Kenya Oo Wadda Hadal Ku Yeeshay Nairobi Iyo Qodobada Lagu Soo Qaaday

Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Bare Ducaale.

Kulanka uu wasiirka arimaha dibada la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka Kenya ayaa waxa ku wehelinayey safiirka somaliland ee dalka Kenya Md Baashe Cumar.

Gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Bare Ducaale ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook ayuu ku sheegay in wasiirka arimaha dibada somaliland ay isla falanqeeyeen sida loo kordhin karo ganacsiga u dhaxeeya labada wadan, isku socodka labada shacab iyo in la taageero sidii ay shirkadaha laga leeyahay dalka Kenya ganacsi uga furan lahaayeen somaliland.

Wasiirka arimaha dibada somaliland ayaan ka hadal kulankan uu la qaatay gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.