Bisaylka Jawaabtii Xirsi Waxay Calaamad u Tahay Mustawaha Ay kala Taagan Yihiin Xukuumadda Iyo Mucaaridku. W/Q. Sacad Ibraahim

0
Friday September 12, 2014 - 12:56:42 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bisaylka Jawaabtii Xirsi Waxay Calaamad u Tahay Mustawaha Ay kala Taagan Yihiin Xukuumadda Iyo Mucaaridku. W/Q. Sacad Ibraahim

    Waxa maalmahan warbaahinta haystay hadal been abuur ah oo .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalmahan warbaahinta haystay hadal been abuur ah oo .....


Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ah nin dhalinyaro ah oo shaqadiisa iyo waajibaadkiisa uga soo dhalaalay si daacadnimo iyo karti leh, waxa uu noqday masuul aad u bislaaday oo aan u nuglayn in lagu qoomo toosh ceebeedyadda iyo dagaalada dahsoon ee mucaaridka iyo inta xumaha jeceli ay sida joogtada ah ugu hayaan.

Waxa maalmahan warbaahinta haystay hadal been abuur ah  oo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay faafinayeen oo ahaa waxa laga dhigay raysal wasaare iyo wax la hal maala, maalmo ka dib waxa Wasiirka madaxtooyaddu uu xalay uga hadlay eedahaas raqiiska ah si fiiro iyo arragti dheeriyi ku jirto, waxaanay dadweynuhu soo dhaweeyeen sidii waayo-aragnimadu ka muuqatay ee uu uga jawaabay eedaha samayska ah ee lala daba socday. "Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiirro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Waran-cade oo yidhi "Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaaradu isagoo uga gol leh in laba Wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Xirsi bal eeg sida uu u sharaxay dacaayadan la dhoodhoobay, waxaanju yidhi "Haddii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee” Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa"Wasiirka Wasiirrada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno weyn lahayn.Anigu Raysal-Wasaare Ma Ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto.”

Isagoo aan cid cambaareyn, cidna wax u dhimin ayuu si waafiya iskaga fogeeyay durbaanadda beenta iyo xiqdiga xambaarsan ee Xisbiga WADDANI ku eedeeyeen. Waxaanay arrintaasi astaan u tahay sida  xukuumaddu uga tayo sarayso mucaaridka bay gaabka ah ee la tartamaya



Sacad Ibraahim Xoosh