Maxaad Ugu Ooyi Saaka . Maanso: BY CALIMAHDI JIBRIIL

0
Friday September 12, 2014 - 13:14:12 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ugu Ooyi Saaka . Maanso: BY CALIMAHDI JIBRIIL

    Maansadan oon Ugu Magacdaray, Maxaad Ugu Ooyi Saaka waa maanso igu dhalatay kedib markii aan arkay ardayda xad dhaafka ah ee jaamacadaha dhamaysanaysa iyo Shaqo la aanta baahsan ee...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan oon Ugu Magacdaray, Maxaad Ugu Ooyi Saaka waa maanso igu dhalatay kedib markii aan arkay ardayda xad dhaafka ah ee jaamacadaha dhamaysanaysa iyo Shaqo la aanta baahsan ee...

 sababta inay dalka nacaan dabadeed tahriibaan, waa maanso dhiiladeeda xanbaarsan, waa odhaahyo muujinaya xaalada dhabta ah ee marka ay dhalintu badaha ku geeriyoodaan looga daba ooyo iyagoon la dareemin markii hore ee ay inoo baanaayeen. waxayna maansadeenu ku bilaabmaysaa:-

 

 

 

Waxaan Xasanoow Suugaanta
Usoo Soocoo Tixdayda
Golaha Saakaba U Keenay
Waxaan Saafoon U sheegay
Waxaan Siinkawga heesay
Xalaan Seleloo alaylkii
Hurdiyo Jiif Seexan waayay
***********************
saakana xasanoow tixdayda
waxaan dadka kaaga soocday
waxaan adi kaaga saartay
wuxuu sawirkaygu sheego
sarbeebta adaa ogsoone
inaad dhaxalsiiso siinka
sirtayda inaad u sheegto
intaan garanaynin seebta.
************************
su aashu waxay ka joogto
hadaan daaha kaaga siibo
sidii xasanoow dalkeena
calanka guudkeena saaran
loo sudhoo loo taagay seeska
waxbaan arkayaa siloone
maanaa sawir qaatay liita
ma saxbaa waxa aan u jeedo
*******************************
cakuye siliciyo rafaadka
xumaantiyo suuradeeda
barbaartaan samo la doonay
tahriibta inay sax moodo
inay suudaan u dhoofto
ugaadh saxaraha ku raagtay
inay hilbohooda siiso
alaylehe maan sugayne
habaarkan maxaa i saaray
************************
sidii xasanoow cawaanka
waxay doonaan sameeyaa
maxaa sababoo ka yeelay
************************
jawaabta hadaan ku siiyo
markuu subixii dhaqaaqo
markuu dhawr surin dawaafo
markuu toban sano iskuulka
jidiyo sekediisa haysto
ee uu jaamacado siiyo
wixii waalidkii samaystay
sagoo kharash kii dadkiisa
dhameeyo sikhi ka jooga
waqtigu wuu soconayaaye
markuu sal u dhigay tacliinta
shahaadana kaga samaystay
markuu shaqo waayo saasa
inkuu safar dheer dan moodo
garbuu u lahaa siloone
tahriibtuba sow ma dhaanto
inuu surinkii ka buuqo
inuu sadarkii ka qaylsho
inuu saymaha ka ooyo
inuu ifka seego maalmo
xaqbuu saaxiib ku joogay
hadii iilka loo saxeexo
hayeeshee sawaxankeena
salaalaca iyo baroortu
markuu socdo kuma banaana
hadii subaxdii la dhaafay
meelayn loo samayni waayay
maxaad ugu ooyi saaka
***********************