
Madaxweynaha Somaliya Iyo Drs Adna Aadan Oo Ka Hadlay Wada Hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya
Wargeyska caanka ee Financail Times ayaa wax ka qoray dedaalada ay somaliland ku doonayso inay ku hesho ictiraaf caalami ah.
Wargeyska ayaa waraysi uu la yeeshay madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland Marwo Edna Aadan waxay kaga warameen xidhiidhka haatan labada dal u dhaxeeya iyo wada hadaladii u socday.
Ex madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas raaciyey "midawgu waxa uu yahay danta koonfurta, waqooyiga iyo soomaali kasta.”Madaxweynihi hore ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wargeyska uga waramay xidhiidhka labada dal waxaanu yidhi "Xidhiidhka labada dawladood waxa uu ahaa mid horu mar gaadhay ilaa sanadkii 2012, balse ujeedada soomaaliya waxay ahayd dib u soo celinta xuduudaha taariikhiga ah iyodib soo celinta somaliland ay tahay mid aan isbadalin.”
Dhinaca kale marwo Edna Aadan oo hore u soo noqotay wasiirka arimaha dibada somaliland sanadadii 2003 ilaa 2006 ayaa wargeyska u sheegtay in caalamku ogyahay in somaliland ka duwan tahay soomaaliya waxaanay tidhi "maxaa ka xanuun badan iyada oo caalamku ogyahay in somaliland ay ka duwan tahay soomaaliya, iyada oo sidaa ahayd, hadana sii ahaan doonta ayey caalamku diidan yihiin inay aqoonsadaan faraqa noocaas ah ee u dhaxeeya labada dal.”
Marwo Edna Aadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas raacisay "isku day kasta oo laysku dayo inay ku midoobaan somaliland iyo soomaaliya waxa uu keenayaa khilaaf, waxaanay shiidalka ku sii hurinayaan kooxaha budhcad badeeda iyo argagixisada ee wiiqay amaanka gudaha iyo xeebaha ee soomaaliya.”
Marwo Edna Aadan ayaa cadaysay inaanay marna suura gal ahayn inay midoobaan soomaliland iyo soomaaliya "Waxaanu u kala baxnay sida mandheerta oo aanay suura gal ahayn in dib layskugu soo celiyaa, haddii ay taasi dhacdana waxay dili doontaa jidhka caafimaadka qaba, deganaanshaha geeska Afrika iyo marinada nabada ah ee biyaha gacanka cadan.”
Wargeyska Financial Times ayaa sheegay in wada hadalkii labada dhinac uu wali rajo leeyahay balse xidhiidhka labada dal uu yahay mid adag, iyada oo kulankii ugu horeeyey ee qorshaysnaa inuu dhex maro hogaamiyeyaasha labada madaxweyne ee Muuse Biixi Iyo Farmaajo uu burburay horaantii sanadkan ka dib markii dawlada Farmaajo ka hortimid maalgelinta ay shirkada DP World ku samaynayso somaliland.
Madaxweynaha Somaliya Iyo Drs Adna Aadan Oo Ka Hadlay Wada Hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya
Madaxweynaha Somaliya Iyo Drs Adna Aadan Oo Ka Hadlay Wada Hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya