Jose Mourinho Oo Calaamadsaday Labada Ciyaartoy Ee Bisha January Uu Iibsanayo Iyo Mid Saddexaad Oo La Koox Ah Oo Xagaaga Uu Dabanayo

0
Tuesday November 06, 2018 - 12:49:00 in by salman abdi
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Calaamadsaday Labada Ciyaartoy Ee Bisha January Uu Iibsanayo Iyo Mid Saddexaad Oo La Koox Ah Oo Xagaaga Uu Dabanayo

    Jose Mourinho Oo Calaamadsaday Labada Ciyaartoy Ee Bisha January Uu Iibsanayo Iyo Mid Saddexaad Oo La Koox Ah Oo Xagaaga Uu Dabanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho Oo Calaamadsaday Labada Ciyaartoy Ee Bisha January Uu Iibsanayo Iyo Mid Saddexaad Oo La Koox Ah Oo Xagaaga Uu Dabanayo

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa bisha January u dhaqaaqi doonto laba ciyaartoy oo khadka dambe ee difaaca ah oo kawada tirsan hal koox oo Talyaani ah, kuwaas oo tababare Jose Mourinho filayo inuu kaga bixi doono dhibaatada daafaca ka haysata.

Manchester United oo habeen dambe la ciyaari doonta Juventus oo ay marti ugu noqon doonto magaalada Turin, ayaa waxa uu wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa Talyaanigu sheegay inay doonayso in bisha January ay kooxda Old Lady kasoo qaadato laba ciyaartoy oo ay suurtogal tahay in loo ogolaado.

Mourinho oo hore u sheegay inuu wado dedaal uu ku doonayo in masuuliyiinta Manchester United ay ku siinayaan lacag uu ku iibsado ciyaartooyo, ayaa waxa uu calaamadsaday difaaca bidix ee kooxda Juventus ee Alex Sandro, kaas oo uu ku beddelayo Luka Shaw oo tan iyo bilowgii aanu la dhacsanayn ciyaartiisa.

Inkasta oo Shaw uu si fiican u ciyaaray kulamadii ugu dambeeyey, haddana Mourinho ayaan jeclayn ciyaartooyada dhaawaca u nugul ee jilicda san, waxaanu doonayaa difaac bidix oo awood iyo xoog badan oo jidh ahaan iyo xirfad ahaanba iskaga celin kara weeraryahannada, sidoo kalena dhismaha kubadda kooxda qayb ka noqon kara.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Mourinho uu isha ku hayo Mehdi Benatia oo ka baxay liiska ciyaartooyada safka koowaad ee Juventus tan iyo markii uu Bonucci kusoo laabtay, laakiin Paulo Dybala ayaa qorshaha macallinka reer Portugal kaga calaamadsan kaalinta saddexaad oo xagaaga uu ka gudbin doono dalab rasmi ah.

Dhinaca kale, Jose Mourinho ayaa u sheegay masuuliyiinta Manchester inay ku qanciyaan Anthony Martial iyo David de Gea inay saxeexaan heshiisyo cusub, laakiin haddii ay diidaan beddelkooda la diyaariyo.