Maad Qalin jabine ee waad Qalin Qaadatey intaase ha ku Qancin WQ: Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun

0
Saturday September 13, 2014 - 19:27:03 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maad Qalin jabine ee waad Qalin Qaadatey intaase ha ku Qancin WQ: Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun

    Ugu horeyn aan idhaahdo Hambalyo dhamaan Ardayda Jaamacadaha Somaliland ka wada baxdey sanadkan, Anigoo si shucuur muwaadinimo ku dheehan tahay ula wadaagaya farxada sida gaarka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn aan idhaahdo Hambalyo dhamaan Ardayda Jaamacadaha Somaliland ka wada baxdey sanadkan, Anigoo si shucuur muwaadinimo ku dheehan tahay ula wadaagaya farxada sida gaarka ah

ugu suntan qalbiga arday kasta wiil iyo gabdh oo gacanta ku dhigay sanadkan shahaadadii uu mudada dheer ugu soo jiray geediga waxbarashada taas oo duruufo badan oo ku geedaamnaa Alle scw si sahlan uga soo saaray iyada oo laga yaabo iney jiraan saaxibo badan oo saaxada tacliimiga ah tartan ay ugu wada jireen iney kala reebaan waayaha kala duwan ee soo wajahay wakhtigii ay kuwada jireen webiga tacliinta.

Waxaa haddaba marag madoon ah iney dalka soo food saartey sanadadii ugu danbeeyey aafada tahriibka dhalinyarada iyada oo si guud ay inoola wadaagaan wadama jaarka ah balse xanuun gaar ah ay ku hayso guud ahaan bulshadeena gaar ahaan kuwooda tamartooda dhaqaale kooban tahay kadib marka ay tahriiban qaar kamid ah awlaadooda waliba ay kala xanuun badantahe markay noqdaan kuwii ku jiray dugsiyada sare iyo jaamacada qaarkood

Kasakow dhibta tahriibka waxaa meesha aan ka maqneyn dadaalka ay shacab iyo xukumaduba ugu jiraan xakameynteeda wallow haddana maalinba maalinta ka danbeysa aad moodo iney sidii hore ka sii xoogeysaneyso sababtuna waxay u baahan tahay bandhig aqooned wayn oo ay hogaaminteeda leeyihiin dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ay horumuudka u yihiin intiina sanadkan ka baxday jaamacadaha dalka kuwaas oo laga sugayo in la maalo maskaxdooda sanadada badan lagu soo canqarinayey cilmiga qeybihiisa kala duwan.

 

 


Arday kasta ama ardayad kasta oo ka baxda jaamacad waxaa ay nolosha ka leedahay qorshe ay ku maareyso ama ku maareeyo mustaqabkiisa taas oo qofku marka uu jaamacada galayo uu doorto kuuliyada markaas uu u arko iney ku soo baxasyo mawhibada ilaahiyanka ah ee isaga ku abuuran kuna buuxin karo baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada uu la nool yahay, mararka qaar ayaa waxaa dhacda iney noloshu ka hor timaado badhkiin waayo? Waxaa isku qaban waayo sawirka uu haysto ama ku dhagan maskaxdiisa oo leh waxaad noqon madax ama maamul shaqo miisaaman ku helo shahaadada uu ka wato jaamacadiisa balse waxaa taas beeniya meeshana ka saara mararka qaar waayaha nolosha oo ka hor imaada qofka iyo waaqica ama habdhaqanka bulshada uu ku dhex nool yahay iyada oo ay dhici karto in uu ku waayo shaqada Qabyaalad iyo qaraaba kiil balse taas micnaheedu maaha inuu is dhiibo ama uu quusto waxaanad ogaata in Alle scw wuxu kuu qoray qofna qaadan Karin.

Haddaba waxaa dulucda qoraalkeygan koobani yahay dardaaran iyo dhiiri galin aan u jeedinayo dhalinta dalka ee sida muga leh wax u barata

Waxaan arday kasta ka codsanayaa inuu dareemo masuuliyada gaarka ah ee ka saaran Qarankiisa maaha Qoyskiisa, Qabiilkisa, Qofnimadiisa balse waa qaranka

Somaliland waa dal leh dad kooban haysta kheyraad badan oo ku dihan buuraha, beeraha iyo waliba sidoo kale baddaha nicmooyinkiisana cida ay sugayaan ee la rabo iney umada uga soo saaraan waa dhalinyaro aad idinku ka mid tihiin kana fayow qaadka iyo qabyaalada iyo waliba qadhmuunka oo ah sigaarka

Cida u maqan ee maskaxdooda la eegayo cid kale maaha waa idinka

Waxaa haddaba la idinka baahan yahay qodobadan oo aan soo koobayo:

1. Inaad dareento inaad tahay maskaxdii iyo muraqii dalka iyo dadka meeshana ka saarto quusta iyo qoomamada

2. Inaanad ku qancin shahaadada kowaad ee Jaamacada balse aad xooga saarto kordhinta iyo koboca aad ku sameynayso aqoontaada diiniga ah iyo maadigaba ah

3, Inaad xor ka noqoto qabyaalada iyo qaraabo kiilnimada

4. Inaad la timaado qorshe ku cusub wadanka oo aan kaaga baahneyn aduun badan laakin u baahan aragtidaada oo ay hogaaminayso aqoonta aad baratey

5. Inaanad ku xisaabtamin oo kaliya inaad shaqo ka raadiso Dawlada, Shirkado iwm laakin adigu aad isku daydo inaad abuurto shirkad kooban oo ay ka shaqo galaan in ka badan boqolaal qof taas oo dawo u ah camal la,aanta baahsan ee wadanka taal

6. Inaad ka fikirto sidii looga bixi lahaa caqabadaha haysta nolosha dhalinyarada ee kala ah:

A. Tahriibka

B. Camal la,aanta

C. Qabyaalada iwm

La soco qeybta danbe………………..

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun

Hargeisa Somaliland

Email:Barkhad909@live.com