Hargaysa:-Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay.

0
Sunday November 11, 2018 - 12:35:37 in by salman abdi
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay.

    Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo madaxwaynaha Somaliland umagacaabay inuu noqdo wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo madaxwaynaha Somaliland umagacaabay inuu noqdo wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay.

Ugu horayna waxa uu Wasiir Sacad umahad celiyay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi isagoo sheegay in xilka uu madaxwaynuhu umagacaabay ay muujinayso kalsoonida uu madaxwaynuhu ku qabo "Wasaarada Maaliyadu waa wasaarad aad iyo aad umihiima, magacaabista uu madaxwaynuhu imagacaabayna waxay ka turjumaysaa kalsoonida uu madaxwaynuhu igu qabo, waanan umahad celinayaa, wasaaradan aan ka tagayna waan uga mahad celinayaa shaqaalihii ila soo shaqeeyay oo aanu hawlo badan soo wadhaliil dadku ay usoo jeedin jireen

 

intii uu ahaa wasiirka wasaarada Arimaha dibada Somaliland ayuu kaga jawaabay wasiirku "dhaliisha xilka ayaa iska leh, ujeedadayduna waxa weeyi inaan qabto intii tamartayda ah hawsha ihortaala, wasaaradii horana waan udadaalay oo meel wanaagsan ayaan geeyay, wasaarada maaliyada halkan ay imika taagantahay ayaan ka qaadi doonaa oo waxaan gayn doonaa meel aad iyo aad uga saraysaā€¯.    Ayuu yidhi isaga oo uwaramay Eryal TV.

Wasiirka Cusub ee Maaliyada ayaa sheegay in aanu isagu aamin sanayn in xilalka qaranka la deegaameeyo ee loo eego in loo dhiibo cidii qaban karta hawsha.