Xisbiga Wadani Muxu Ku Qaadacay Inay Dalka ka Qabsoonto Diiwangelinta Madaniga ahi WQ: Axmed Baaryare

0
Monday September 15, 2014 - 08:29:31 in by salman abdi
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Wadani Muxu Ku Qaadacay Inay Dalka ka Qabsoonto Diiwangelinta Madaniga ahi WQ: Axmed Baaryare

    Sababaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani u Qaacay Diiwaan galinta Madaniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani u Qaacay Diiwaan galinta Madaniga ah. XISBIGA MUCARADKA AH EE WADANI MUXUU KU QAADACAY IN AY DALKA JSL KA QABSONTO DIWANGALINTA MADANIGA AH EE AY WADO XUKUUMADA JSL. ? Qore :Ahmed Abdullahi Mohamud (Baaryare)

Waxaan halkan sitaxane ah idinku sogudbin doonaa Maqaal aan kaga hadlayo Sababta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI uqaadacay Qabashada Diiwaan Galinta Madaniga ah, anigoo marka hore sikooban Uga hadli doona Taariikhda Xisbiga ,waxaan diirada saaridoona dhawr qodob oo aan u arkay in aanay u saamaxayn in uu kaqaybgalo.
Sababaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani u Qaacay Diiwaan galinta Madaniga ah.
1. Qaabdhismeedka Xisbiga oo sidii Urur udhisan
2. Xisbiga Wadani oo aan wali Qabsan SHirwaynihiisii 1aad ee Xisbinimo iyo Kii Golaha dhexee,
Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani (Somaliland National Party) Waa Xisbiga ugu da ,da yar Sadexda Xisbi Qaran ee kajira JSL ee Ucid ,Kulmiye iyo isaga Wadani,iminkana ah Xisbiga ugu Awoodabadan labada Xisbi Mucaarad eeka jira JSL , waxaa la aas aasay Dabayaaqadii Sanadii 2011.
Xisbiga wadani waxa uu ahaa Ururadii ugu horeyey ee ku sobaxay Qiimayntii ama kala Reebistii Ururada Horaantii sanadii 2012, Xibiga wadani oo wakhtigaas Urur Siyaasadeed ahaa wuxuu SHirwayhii 1aad ee ku qabsomay Hargaysa 8-9April 2012 ku ansixiyey Xeer hoosaadkii Urur Siyaasadeedka Wadani oo kummel gaadh ahaa.
Xisbiga wadani oo wakhtigaas Urur siyaasadeed ahaa wuxuu kaqayb galay Doorashadii Golayaasha deegaan oo dhacday November2012 ,isagoo latartamay Sadexdii Xisbi Qaran ee wakhtigaas mid kamid ahi Doorashadaas ku hadhay ama kudhacay oo kala ahaa, Udub,Ucid, Kulmiye , iyo Afartii Urur siyaasadeed ee Sadex mid ahi Doorashadaas ku hadhay oo kala ahaa, UMADA,XAQSOR, DALSAN iyo WADANI oo isagu ugudbay Xisbi Qaran.
Sababaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ku Qaadacay Diiwaan galinta Madaniga ah.
1.Qaabdhismedka Xisbiga Wadani oo wali u dhisan Sida Urur Siyasaded sababahan hos ku qoran awged.
A) Xisbiga WADANI Muuqabsan SHirwaynihiisii 1aad ee Xisbinimo oo Dastuuriya manahaysto mudo uu ku qabsado marka lo ego Mudada inaga Xigta Xiliga Doorashada.
B) Xisbiga wadani Malaha Gole dhexe ee waxaa jooga golihii hore ee k u meelgaadhka ahaa ee lagu ansixiyey SHirwaynihii 1aad ee markuu Urur siyaasadeedka ahaa.
C) Xisbiga WADANI malaha Gudi Fulineed ee waxaa jooga Gudidii Fulineed ee hore oo ku Meelgaadhka ahayd ee lagu ansixiyey SHirwaynihii 1aad ee markuu Urur Siyaasadeedka ahaa.
D) Xisbiga WADANI malaha Musharaxa Madaxtinimada iyo ku Xigenkisa ee dorashada ay JUN2015 oo ay inaka Xigto Sagaal bilood wax ka yar,sababto ah Xisbiga wadani malaha Gole dhexe oo Doorta Musharaxiinta oga qaybgalaysa Doorashada Madaxtoyada ee dhacaysa JUN2015.


Lasoco Qaybta Labaad hadii Allaah idmo.


Allaa mahad leh
Qore :Ahmed Abdullahi Mohamud ,BBA .
Burco Somaliland
Email:baaryare207@hotmail.co