Burco:-Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Burco SAWIRO.

0
Tuesday November 20, 2018 - 17:06:22 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:-Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Burco SAWIRO.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.


Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana uu kula hadlay fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

Image may contain: one or more people, people standing, suit, beard and outdoor
Image may contain: 11 people, people smiling, people standing, suit and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, beard and outdoor
Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, wedding, suit and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, beard and outdoor
Image may contain: 7 people, people standing, sky, shoes and outdoor
Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, crowd, sky and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, people walking, sky, crowd and outdoor