Qalinjabinta Ardayda Jaamacaduhu Wax Maka Bedeli Doontaa Tahriibka Aafeeyey Dhalinyarada. WQ: Maxmed Xamud

0
Monday September 15, 2014 - 11:55:51 in by salman abdi
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalinjabinta Ardayda Jaamacaduhu Wax Maka Bedeli Doontaa Tahriibka Aafeeyey Dhalinyarada. WQ: Maxmed Xamud

    waxaan qormadaydan ku eegayaa Duf-cadahan faraha badan ee ka qalin jabinaya jaamacadaha dalku maka hor tagi doonaa tahriibkan aafeeyey dhalinyarta dalka mise yaga ayaaba si dhiiri galin doona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan qormadaydan ku eegayaa Duf-cadahan faraha badan ee ka qalin jabinaya jaamacadaha dalku maka hor tagi doonaa tahriibkan aafeeyey dhalinyarta dalka mise yaga ayaaba si dhiiri galin doona.


Bismilaah; marka hore waxa mahad leh allaha wayn (SWT) ee inaga dhigay islaamka, intaas ka dib waxaan mahad gaara u soo jeedinayaa saxaafada madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, iyo guud ahaanba shacab waynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay ilaahay xaqa haynagu sugo dhamaanteen.

Intaas ka dib waxaan qormadaydan ku eegayaa Duf-cadahan faraha badan ee ka qalin jabinaya jaamacadaha dalku maka hor tagi doonaa tahriibkan aafeeyey dhalinyarta dalka mise yaga ayaaba si dhiiri galin doona.

Wakhtiga aynu ku jirno waxaynu u bixin karnaa oo aynu odhan karnaa waa wakhtigi tahriibta ee waliba aqoon yahanka, hadii markii hore ay tahriibtu ahayd inuu tahriibo qof noloshu ku adkaatay ama ka dhacay oo aan haysan aqoon iyo xirfad ku filan, iminka waxa tahriibaya dhalinyartii dalka wax u soo baratay oo markay jaamacada ka qalin jabiyaan ayaa halkii loo samayn lahaa shaqo abuur iyo mashquulin danbe lagu sii daynaya magaalada taas oo aanay u adkaysan Karin camal la’aanta ka taagan magaalooyinka waawayn ee Somaliland, sidaas darteen qofkii labatanka sano wax soo dhiganayay uu naftiisa mahlako ku galinayaa tahriib iyo rafaad aad u hawl badan.

Tahriibkan oo noqday iminka dhibaatada ugu badan ee haysata dhalinyarada Somaliland ayaa salka ku haya shaqo la’aan baahsan iyo usi naansho la’aan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, taas oo noqotay yaad taqanaa halkii laga rabay inay noqoto maxaad taqaanaa, sidaas darteed waxa loo baahan yahay in shaqooyinka ama fursadaha dhaqaale ee dalka si siman loogu xaq sooro dadka oo meesha laga saaro ina hebel iyo ina hebel, taas oo aqoonyahanka ku kalifaysa inuu tahriibo oo uu naftiisa khatar galiyo.

Madaxwayne gudidii aad magacaw day ee ka hortaga tahriibka iyo shaqo abuurku halkay ku danbaysay? Mise waxayba noqdeen gudida tahriibinta aqoonyahanka Somaliland oo yagaaba ah magafaha Somaliland, waayo ilaa iyo markii la magacaabay maalmihii ay cusbaayeen marka laga reebo mooyaane lama arag meel ay ka hadlayaan iyo cid ay u hadlayaan toona, taasina waa dhayalsiga dhanka xukuumada ee dhalinyarta tahriibaysa .

Mudana madaxwayne; xafladahan qalin jabinta ee aad goob jooga ka tahay, waa horumar dalka Iyo dadkuba gaadhay, hadana waxa nusqaan ah ardaygii aad gacanta uga dhiibtay shahaadada inuu mudo yar gudeheed naftiisa beeme galiyo oo uu tahriib miciinsado markuu wax kale garan waayo, dhalinyartaa tahriibaysaa waxay u baahan tahay in loo sameeyo barnaajimku ay kaga mashquulaan tahriiba oo keeni kara inuu qofku dalkiisa iska aamino, iyo madaxwayne inaad eegto gudidii aad magacawday halkee ayay ku danbeeyeeen mise labadii todobaad ee ugu horeeyey ayuu wakhtigoodu ku eekaa.

Mudanayaa dawlad I yo shiciba waa in aan ka qayb qaadanaa sidii aan aqoon yahankeena ugu horjoogsan lahayn inay ku madhaan saxaraha iyo bada, oo aan u samaynaa dib u dejin markuu qofku ka soo baxo jaamacada, taas ayaan ku yarayn karnaa tahriibka, dhanka xukuumada waa in ay xooga saaraan sidii loo samayn lahaa wacyi galin iyo barnaamijyo dhalinta ka mashquuliya tahriibka oo keena in dhalinyaradu joojiso ama yaraysaba tahriiba, waayo qalin jibahan jaamacadaha ee dufcadiiba gaadhayso marka laysku wada daro 4000 oo qof, ayaa waxa tahriibaya in ka badan sadex meeloodow laba meelood, taasina waa aafo qaran ee waa in aynu dhamaanteen waajibaad iska saarnaa sidii aan wax uga qaban lahayn.


 

Allaa Mahad Leh

Waad Mahadsantihiin

By: Mohamed Hamud Ali

Burao – Somaliland

Hamudson@Gmail.Com