Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo safar aan laga warqabin ku tagay maalintii shalay Muqdisho

0
Wednesday November 28, 2018 - 15:04:22 in by salman abdi
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo safar aan laga warqabin ku tagay maalintii shalay Muqdisho

    Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo safar aan laga warqabin ku tagay maalintii shalay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo safar aan laga warqabin ku tagay maalintii shalay Muqdisho

Taliyaha ugu sareeya howlgalka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOMGen. Thomas D. Waldhauserayaa safar lama filaan ah maalintii shalay ku tagay magaalada Muqdisho

Taliyaha kulan uu la qaatay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo joogay safiirka cusub ee MareykankaDon Yamamoto iyo Saraakiil kale.

 

Taliye Gen Thomas ayaa sheegay in dowladda Mareykanka siiso tageero mug leh dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Africa AMISOM si loo gaaro hadafka ah in hormar laga sameeyo dhinacyada nabada iyo siyaasada dalka Soomaaliya/

''Waan ku faraxsannahay xiriirka aan la leenahay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa, waxey sameeyeen hormar la taaban karo, waxaa ay cadeynayaan in ay u heelan yihiin, himiladooda ah, nabada, xasilooni iyo Barwaaqo'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyaha.

 

Madaxweyne Farmaajo oo shalay dib ugu laabtay Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay Taliyaha.

Socdaalka taliyaha ayaa imaanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyay Mareykanku duqeymo is daba joog ah ka geysanayay deegaanno ka tirsan gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana duqeymahaa ugu danbeeyay kii xalay ka fuliyeen gobolka Mudug gaar ahaan deegaan hoostaga degmada Xarardheere.