Fashilka ku yimid Shirkadihii dhisiyay wadada berbera to wajaale iyo balaadhinta dekeda berbera.

0
Saturday December 01, 2018 - 17:07:35 in by salman abdi
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilka ku yimid Shirkadihii dhisiyay wadada berbera to wajaale iyo balaadhinta dekeda berbera.

    Fashilka ku yimid Shirkadihii dhisiyay wadada berbera to wajaale iyo balaadhinta dekeda berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fashilka ku yimid Shirkadihii dhisiyay wadada berbera to wajaale iyo balaadhinta dekeda berbera. Sida aynu la soconay dekeda ugu wayn dekedaha Somaliland ee berbera ayaa waxaa la siiyay mashruca lagu balaadhinayo shirkad laga leeyahay dalka imaaradka carabta shirkadasoo magaceedu ahaa shifa al nahda, waxaana la dhagax dhigay bishii 10.10.2018. Dhagax dhigaasi waxaa laga jogaa muddo laba bilood ah, ilaa hadana wax laga qabtay haba yaratee lama soo sheegin, xitaa waxaa igu maqala inaan loo soo diyaarin qalabkii lagu bilaabi lahaa, Waxaa intaa dheer shirkadan oo ah shirkad kamid ah shirkadaha u shaqeeya DPW inay ku xirtay bilaabista balaadhinta dekeda dhaqaalaha ugu badan mashruuca, balse DPW way ka gaabsatay sababa la xidhiidha awgood, dhaqaalaha kazoo galay dekeda berbera oo ah mid aanan gaadhaynin inta ay shirkada shifa al nahda doonayso. Waxaana halka laga akhrisan karaa dadkan dalkiisa in isaga la isugu tashiilo moyee cid maal gashanaysa aysan jirin, shirkadan lagu wareejiyay dekedana qorshaheeda ugu wayn uu yahay wixii kazoo xadhooda in wax loogu qabanayo umadan. Dulucda qoraalkan wuxuu yahay DPW miyaysan iyadu sii maal galinaynin balaadhinta dekeda berbera iyo wadada berbera ilaa wajaale. Sida bulshada loo sheegay DPW waxay dhisaysaa, balaadhinaysaana dekeda berbera iyo wadada u dhaxeeyasa berbera ilaa wajaale, mashariicda dhamaantood waxay u egyihin qaar sii fashilmaya, Waxaynu ogsoonayn in bulshada in badan loo sheegay sanadkan 2018 kala badhkiisa la bilaabayo mashaariicda wax lagaga qabanayo dekeda berbera iyo wadada berbera to wajaale. Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqba waxaan madaxweynaha dalka ugu baqayaa Inuu guddi dabagasha u magacaabo dhismaha marashariicda looga fadhiyo inay fuliso shirkada DPW. Si looga fogaado mashariic fashilanta sida kuwa shidaal baadhista ee dhulkii daaqista xaalufiyay kadibna dalka iskaga duulay.