Samaale ma sad buu soo kordhiyey mise sixir barar?

0
Tuesday September 16, 2014 - 11:40:14 in by salman abdi
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samaale ma sad buu soo kordhiyey mise sixir barar?

    Wasiirka samaale wuxuu dhawaan ku dhawaaqay odoroska Miisaaniyada sanadka 2015 lacag caddadkeedu dhan yahay 251million oo doolar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka samaale wuxuu dhawaan ku dhawaaqay odoroska Miisaaniyada sanadka 2015 lacag caddadkeedu dhan yahay 251million oo doolar


 iyadoo miisaaniyadii 2014 ay ku korodhay 28 million oo dolar; haddaba Miisaaniyadan sii kordhaysa sanad walba ma sad inoo soo kordhayaa mise waa sixir barar? Inta aanan su’aashaas ka jawaabin bal aynu eegno faraqa u dhaxeeya Maciishada xiligii ay xukuumadani talada la wareegtay oo ahayd 2010 iyo manta, tusaale ahaan:

·         2010kii halka doolar ($1) wuxuu gooynaayey ma jaraayey 4 nafar oo bariisa Magaalada Burco, halka uu maantana $1 jarayo 1 nafar oo bariis ah.

·         2010kii Gabdadda Dhuxusha ahi waxay ahayd $3 magaalada Burco Maantana waa $10

·         2010kii Foostada Biyaha ahi waxa ay ahayd $0.3 Maantana waa $1

·         2010kii Kirada guriga 4 maqsin (qol) ahi waxa ay ahayd $40 Maantana $120.

Dhamaan maciishadu way saddex laabantay taasina waxa ay tusaale cad u tahay in aanu sad inoo soo kordhin ee sixir barar soo kordhayo. Markaa waxaa kaloo aan halkan sheegayaa in Miisaaniyada samaale soo bandhigay sanadkan 2015 ay calaa qoys shacabka Somaliland u qabanayso $1300, waayo lacagtaasi waxa ay saran tahay Maceeshada maadaama ganacsatadu wixii cashuur laga qaado ay u qaybinayso ama saarayso maceeshada, sixirka allaabtuna kusii kordhayo shacabkii shaqo la’aanta iyo busaarada la daalaa dhacaayey.

Waxa kale oo sixir bararkaa dowladu soo kordhisay sababay in tahriibtuna ay korodhay 300% intii kulmiye talada dalka hayey.

Haddaba waxaan Shacabka ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan sidii loo badali lahaa xukuumadan doorashada soo socota.

Samaalena waxaan leeyahay xilligii Rayaale Madaxweynaha ahaa waxaad odhan jirtay "Sanad walba Fircoon waa Joogaa oo sanadkan Daahir Rayaalaa Fircoon ah” Haddaba Maantana bal ka waran "Fircoon, Qaaruun iyo Saamiri waa ayo?” Bal adba!!

Waxaan Maqaalkan kusoo afmeerayaa tixdii Rabbi ha u naxariistee Cabdi Iidaan:

Habartii Dusheediyo Degelkey ku noolayd

Daruuruu ku hooreen dadba wada hel moodoo

Daad wararac bay tidhi

 misne talada kuma inuu duud abaariyo

Degel lagu haraadiyo Darxumooyin muuqdaan

Dirqi kunool u badan tahay Dibjirkiyo Agoomuhu

Daasad garow ah go’yn Karin waase Dumar e yeelkeed

Dibigii  xareediyo dooxyadu u buuxdee

Dinaahyeeyey ee ciyey isagiyo Dibiradii

 

Saleebaan Ibrahim Maxamuud

khayreibrahim@outlook.com

Burco, Somaliland


******************************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo  wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh