HADAFKA XASAN SHIIQ YUUSAN KA DHEX FULIN SOMALILAND

0
Tuesday September 16, 2014 - 12:56:54 in by salman abdi
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADAFKA XASAN SHIIQ YUUSAN KA DHEX FULIN SOMALILAND

    waxaynu ogsoonahay in dalkan jamhuuriyada somaliland ay kusoo food leedahay doorasho barlamaan iyo mid madaxtooyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaynu ogsoonahay in dalkan jamhuuriyada somaliland ay kusoo food leedahay doorasho barlamaan iyo mid madaxtooyo,

waxay kaloo xukuumadu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay wadanka ka hirgaliso diiwangalinta madaniga oo lagu kala garanayo qofka wadanka u dhashay iyo kan aan wadanka u dhalan, siinayana qofka wadanka udhashay xuquuq gaar ah oo ay kamid tahay inuu waxna doorankaro isna la dooran karo,


hadaba waxaa jiray in hay’adaha caalamiga ah ay si bareer ah u diideen inay tageeraan diiwaangalinta madaniga ah, waxayna ku tilmaameen aqoonsi ay doonayso somaliland in si dadban loo aqoonsado hay’adaha caalamiga ahna aysan noqon mid ay horseedaan.


waxaynu kaloo ogsoonahay in madaxwaynaha taagta daran ee somalia xasan culusow uu aad uga xunyahay diiwaangalinta madaniga ah in somaliland laga hirgaliyo hay’adaha qaramada midoobayna uu ka codsaday inaan la taageerin diiwaangalintaa madaniga ee lag hirgalinayo somaliland.


hadaba waxaa soo baxay hawlo aan beri hore ka gudubna oo ah reer hebel in looga faa’iidaystay diiwaangalinta madaniga ah oo reeraha qaar intay soo fadhiisteen tv yada iyo website ka ay ku tiraabeen hadaan reer hebelnahay inta aad degno ka hirgali mayso diwaangalinta madaniga ah, xasan culusowna uu ku farxayo arinkaa.
hadaan in yar ka iftiimiyo diiwangalinta mdaniga ah waxay sheegaysaa in qofka mawaadinka ah iyo kan aad mawaadinka ahayn lakala garto hadaynu nahay somaliland aynu noqono dad ka dhex muuqda somalida inteeda kale oo aynu haysanaa cardka aqoonsida dalkan aynu kasoo jeedno,


 

anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan usoo jeedin lahaa siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka in aan la siyaasaday diwaangalinta madaniga ah oo aad kashaqaysaan horumarka dalkan iyo dadkan uu higsanayo, hadalka aad tv yada kaga hadleysaana yaysan noqon qaar ay ku farxaan cadowga jamhuuriyada somaliland.
aynu noqono kuwa dadkooda iyo dalkoodaba ku garab taagnaada waxay higsanayaan oo ah aqoonsi caalami inay helaan, mabda a khaldana aynu ka fogaano.dhegaha shabkana waa mid jecel inay maqlaan wanaaga dalkooda necebna xumaha dalkoo.


By: Future President

Maxmed Cismaan Xaji

Burco Somaliland