Laba Amar Oo Kasoo Kala Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi

0
Tuesday December 11, 2018 - 12:26:34 in by salman abdi
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Amar Oo Kasoo Kala Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi

    Laba Amar Oo Kasoo Kala Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Amar Oo Kasoo Kala Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi Laba Amar Oo Kasoo Kala Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi.

Iyadoo ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hadda sanad jirsatay ayaa keli ah waxa laga hayaa mudadaasi ay jirtay amaro isburinaya oo kasoo baxaya Hay’addaha Dawladda kuwaasi oo jahawareer iyo Saluug dhinaca Dawladnimada ah ku abuuraya Bulshada.

 

 

 

Arimaha ugu layaabka badan ayaa waxa ka mid ah in Hay’addaha Dawladda qaarkood ay toodii oo dayacan ay isku qaadaan meelo kale oo ay amaro dul dhigaan waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe aad loo maqlo ee aadka uga Dhaka faariyay bulshada. Waxa ay soo saaraan amaro layaableh oo aan ka tarjumayn shaqadii rasmiga ahayd ee loo igmaday ama ay Qaranka u xilsaarnaayeen,waxaaba dhacdaba in Hay’addahaasi ay tii loo xilsaaray dayacan tahay oo meel kale oo aanay hawli uga oolin ay isku qaadaan, waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe ugu badan ee laga arko Wasaaraddaha Qaarkood.

 

 

 

 

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ugu horayn Qaranka uga Xil saaran Gaadiidka iyo jidadka oo talaabada koowaad ee laga eegayay inay qaado ay ahayd marka loo kaco dhinaca gaadiidka inay xadido dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dawladda oo wakhti walba lagu arko faras-magaalaha Hargeysa iyo Gobolada dalka ayaa waxa ay dhawaan isku qaaday oo ay soo saartay amar umaddu fahmi wayday oo ay dul dhigtay gaadiidka yar yar ee VITZ loo yaqaan ee dadka gaar ka ahi ku shaqaystaan ee Takaasida ah, waxa ay wasaaraddaasi gaadiidkaasi ku amartay inaanay Gobolada iyo Degmooyinka ukala gooshi Karin, waxa uu Amarkaasi abuuray buuq iyo sawaxan waxaana xabsiyada lagu guray dirawalo ka biyo diiday kuwaasi oo qaarkood u caraabi jireen intay caasimada maalintii ka shaqaysa gobolada dalka ee dhaw dhaw, waxaanu amarkaasi ku noqday caqabad.

 
 
 
 
 

Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaranka uga xil saaran Tayaynta Dugsiyadda Dawladda oo ugu horayn laga sugayay inay Albabaada u furto dugsiyada Dawladda ee xidhan iyo inay boodhka ka jafto ayaa durba waxay Shalay isku qaaday oo ay soo saartay amaro aan laga filayn oo u muuqda Gale ka fuul xumo, waxa ay joojisay furashada Dugsiyo Cusub oo gaar loo leeyahay iyo in wax balaadhin ah lagu sameeyo kuwo hore u jiray. Ma Xuma in amarkaasi oo kale la soo saaro laakiin Waxa la iswaydiinayaa miyaanay ka haboonayn inay Wasaaraddu ugu horayn ku talaabsato waxa ay umaddu ka sugaysay ee uu Waliba wakhtigii Ololaha Madaxweyne Muuse balan Qaaday inuu tayayn doono Waxbarashada Dugsiyadda Dawladdaasi kuwaasi oo aanay Xukuumaddu waxba ka qaban muddaasi ay jirtay, islamarkaana Duruufo adag iyo xaalado laga argagaxayaa ay hoy u noqdeen Dugsiyada Dawladda.

 
 
 
 
 
 

Labadan Amar ee kasoo kala baxay Labadan Wasaaraddood Ayaa Ka Dhigan, Tiisaba Daryeele Ayaa Tukale Ku Dara, Gaadiidkii Dawladda Oo Saqda Dhexe Suuqyada Wareegaya Iyo Dugsiyadii Dawladda Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin oo aanay xiitaa soo eegi Karin Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay indhaha ka qarsanayaan.