Maxaa igu watay!? WQ: Bashiir Raacdeeye

0
Wednesday September 17, 2014 - 12:02:50 in by salman abdi
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa igu watay!? WQ: Bashiir Raacdeeye

    Waxa ay amintu ahayd 11:00pm.waa habeen gudcur ah,magaalada inta badan dadkii wuu ka seexday.waxaan marayay dhabo inta badan ay dadku maraan marka ay tahay dharaar,laakin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay amintu ahayd 11:00pm.waa habeen gudcur ah,magaalada inta badan dadkii wuu ka seexday.waxaan marayay dhabo inta badan ay dadku maraan marka ay tahay dharaar,laakin


 

 wakhtigan waxaad moodaysay  in ay tahay waddo aan  cidi marin 15,00 oo sano,.cidlada iyo madawga ,argagaxa iyo cabsida ka muuqata waddada ayaa ah lama filaan!.waxa aan dareemay cabsi aanan dareemin  intii aan dunida ku noola.fajac iyo amaakaag,naxdin iyo baqdin ayaa I hadheeyay,haddii aan faraxsanaa markii hore,iminka waxaan is waydiinaya: "goormaa  ayaa wax aanad arkaynini  ku heli oo laba kaa-kala dhigi…?”  Waxa is-bedelay hawadii ,daruurihii ,xidigii cirka ku fidsanaa , sidoodi hore xidiguhu ma”aha.xidigaha qaar ka mid ah way ololayaan,qaar waxa ay muujinayaan sawiro argagax a.haddii aad cirka eegto ,waxaad is-odhan waxa kugu soo dhicidoona dhimbiil iyo holoc wada socda oo naar ah!!,,,, lama filaan,,

Waxaan is-waydiiyay  oo naftaydii u sheegay: "waa yaw mal qiyaamihii ee naf-yahay maad ashahaaddatid  !?. waa maxay  lama filaan kani?.

 

 ,,,tallaabo markaan qaadoba  isbedel hor leh iyo argagax  kale ayaan arkayaa,iminka waxa bilaabmay codad iyo,sanqadh naxdin leh,hareerahaan eegay,waxba waan arki waayay,waan socday ,waxa ii baxay cod naxdin leh,gurxan iyo bulxan is-ku mar ah oo wada socda, "libaax ayaa jooga meesha ” ayaaan waydiiyay naftaydii.waxa ii baxaya cod ,waxaan is-ku dayay in aan maqlo oo fahmo,laakin suurto gal maaha in aan maqlo waxaas odhan,marba marka ka dambaysaa ayaa argagaxii iyo wax yaabihii layaab-ka lahaa way soo badanayaan,si lama filaan ah ayaan waxaan u maqlay cod naxdin leh , cod-kan ayaa dhowr jeer soo noqday !!.yaab ayaa isugu kay yimi .

waxaan is idhi " ma qof halaag-may baa” markaas ayaan haddana  naftaydii ku idhi  malaha sidaas ayaa ku dambayn doonta.,,,,,, !.

Waan is-taagay,inyar markaan taagnaa ayaan socod bilaabay,haddana waan is-taagay,waayo indhihii ayaa siigo  iga gashay.garan mayo waxan siiga kicinaya iyo dhanka ay ka soodhacayso.markaan is-taagay oo aan weli naxsanahay ayaa markeliya dhinac bidix sanqadh ka maqlay,sanqadhaas oo aad mooddo  sidii wax igu soosocda laakiin ma arko ,mugdiga jira awgeed,sidaa markaan u jeestay,ayaa waxa ila-kulan-tay dhirbaaxo  xanuun keeda waxaan ku qiyaaso aanan kasayn!. ilaa iminka gacan sayn leh,ciddiyo  aad mooddo foog,faro aad mooddo qodax jidhif iyo dhogor is-ku taal ,Intaas ayaan ka xasuustaa gacantaas igu dhacday astaameedii ,,,,,,,,,,,,,!

Markay dhirbaaxadaasi igu dacday ayaa miyir iyo xus iigu dambays !,,,magaranayo wixii dhacay intaa ka dib.

 

In markaan xaaladda ku sugnaa  ayaa miyirkaygii soo laabtay.ma xasuusan karo muddada  uu miyir-ku iga maqnaa, mar qudha booday.ka dib cagaha ayaan wax-ka deyay,laba tallaabo anigaan is-waydaarin ayaan dhagax wayn ku ku fay.dabadeed af-wayn-ta ayaan goostay.waxa igaga sii daran intaa markaan is-idhi kac, ayaa bullaacadi ila duntay.ka dib daf ayaan idhi,haseyeeshee ,guulle waa  garab ayuu ii bixiyoo ,meel ayaan ku dhegay nafla caarigii anigoo aan waxba ka noolayn ayaan ka soo baxay,,,!!. Silican iyo saxriirkan I haysta , cadaabtan iyo ciqaatan igu habsatay g,ma garanayo meesha ay igaga timi iyo waxaan ku galabsaday. markaan kasoo baxay meeshii ayaan madaxay-gii culays ka dareemay,waan tab-tay,!.

Lama filaan !! ,waxaaba igu yaal " gees-dheer”! timahay-gii meel dhexaad ka ahaana,midh igu ma yaal, yaab,,,,,,! .

 

Ka dar oo dibi dhal.waxaa ka sii daran geesaha madaxayga ku yaal,dib-kii geela oo kale ayaan yeeshay ,lama filaan ! Anigoo waalli ku dhaw ayaa waxa ila kulmay markeliya ,oo bullaacaddi aan ku dhacay ka soo baxay,daayeero baalal leh iyo eey, bisado iyo jiir ciiddaa ka badan,masas gaagaaban iyo mas-kacalayo laba dib  leh,diiman waji libaax leh oo haddana sidii diinka u shaqlan,  iyo waraabayaal qadh-muun-ka ka soo uraya aad matagayso.waxaas oodhan oo argagax ah oo mid ba mid eryanayo ,fool-xumada bahalahaas ka muuqata  iyo urta qadhmuun  aad fajacayso,ayaa markay ka soo bexeen bullaacadii marqudha I soo eegay,markaasay xaggay-gii u soo yaaceen,markaan arkay in ay aniga igu soo ordayaan ,ayaan anna cagaha-wax ka deyay,habeen-kii oo dhan ayay I eryanayeen,marba mid ayaa isoo gaadha ,markaasu igu dhegaa,haddana waan ka mudhux sadaa,mid-ba meeshu soo gaadho ayuu iga goosta,dib-kii iyo gees-kii markii u horaysay ayay goosteen,maryiihii dhamaade siday inba mar u cantuu-gayeen .luguhii dhiiga iga dareeraya iyo xanuun-ka ,jiir-kii ayaa qaniinyo igala daalay ,,,!.

 Markeliya ayaan waxaan maqlay cod bani-aadam oo leh: " waar axmed dumaashi maxaa kugu dhacay ee kaa cabaadinaya sidii neef geela oo bahal cunaayo” naxdin inta aan cirkaa u booday ayaan hareeraha eegay ,mise waa maqaaxidii  kaltuun ee aan ku qayilayay oo aan keligay fadhiyo,waxa ka sii daran intaa ba!!. dhar ma sito sidii laygu dhalay ayaan ahay .waan qaawanahay,kor ayaan eegay ,mise  waa dumaashiday ,gabadhayda walaasheed oo aan aroostay laba todobaad ka hor ayaa I hor taagaan!.

 

Xishood iyo khajilad ,naxdin iyo murugo awgeed ayay is hayn way-day.intay sii jeesatay ayay barooratay!.waa arooryo hore ,libdhadu markaas ayay soo baxday,heeraha ayaan fiiriyay .wax is-bedelay ma jiro,wax-kastaa waa sidisii hore, bahalihii I eryanayay ayaan eegay,wax bahal ahi ma joogo meelaha,markaas ayaan gartay in waxaan oodhan qaadkii aan cunay uu u sabab ahaa.

 

Axmed meelintaas ayaa xus-kiisii ugu dambaysay,laga bilaabo maalintaa qol ka mid ah  gurigiisa ayaa lagu xidhay.xaaskiisi oo laba todobaad keliya la noolayd waxa ku dhacay xanuun dhanka maskaxda naafeeyay. Sidaas ayaa qaadku u burburiyay nolosha qoyskii cusbaa.

 

Qore; bashiir raacddeye

Raacdeeye.1@gmail.com

Burco.somaliland